Al- Shabaab oo la wareegtay degmada Matabaan

Beledweyne (Caasimada Online) – Xoogaga Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay barqanimadii maanta gudaha u galeen degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii ku sugnaa halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab aysan la kulmin wax iska caabin ah, waxaana marka ay gudaha u galeen Matabaan ay isku ballaariyeen magaalada oo dhan.

Sidoo kale xoogaga Al-Shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay gudaha degmada oo muddo ay gacanta ku hayeen ciidamo Booliis ah iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

Warar kooban oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay dagaalyahanadooda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayna la wareegeen saldhigyadii ciidamada iyo xarumihii maamulka.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka soo wajahday cabsi xoogan, halka kuwa qaarna ay isaga baxeen degmada, cabsi ay ka qabaan darteed kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada ammaanka iyo maamulka gobolka oo ku aadan xaaladdaasi.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa, iyada oo shalay xoogaga Al-Shabaab ay qabsadeen deegaannada Bacda iyo Beergadiid oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba, la wareegitaanka Al-Shabaab ee degmadan ayaa muujineyso awooda kooxdaan ay u leeyihiin inay sii wadaan dagaalkooda, iyaga oo ka faa’iideysanaya kala guurka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii