CABDIQANI SACIID CARAB, Guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta ‘oo xilka laga qaaday’

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cabdiqani Siciid Carab ayaa shaqo joojin lagu sameeyey, sida ay sheegeen xubnaha guddiga fulinta xiriirka oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Yuusuf Muxuyidiin Axmed, oo ah xoghayaha xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Cabdiqani Saciid Carab lagu soo eedeeyey shan qodob oo kale ah.

1- Ku xad-gudubka awoodaha guddoomiyaha, kuwaas oo carqalad ku ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

2- Inuu meel uga dhacay qodobo ka mid ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed, isaga oo adeegsanaya awoodda iyo faro-gelinta arrimaha maamulka iyo shaqooyin maamlmeedka xiriirka.

3- Inuu ku guul-darreystay qodobo kasoo baxay shirkii xiriirka ee August, uuna is-hortaag ku sameeyey in la qabto horyaalka kubadda cagta Soomaaliyeed.

4- In la fuliyo dib-u-eegista dastuurka xiriirka kubadda cagta oo la go’aamiyey bishii August ee 2020.

5- Tuhun ku saabsan musuq-maasuq lagu sameeyey laba mashruuc oo FIFA ay ka fulineyso Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo ah xarumo farsamo.

Xoghayaha ayaa sheegay in ayada oo la eegayo qodobadaas ay guddiga fulinta cod u qaadeen in shaqada laga joojiyo guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab, ayna ku billaabeen baaritaan ay sameynayaan guddi ka kooban saddex xubnood, oo uu magacaabay guddiga fulinta.

Waxa uu sidoo kale sheegay in guddiga fulinta ay go’aamiyeen inuu xilka guddoomiyaha sii hayo guddoomiye ku-xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed “Cali Shiino”.

Cali Shiino ayaa isna ku eedeeyey Cabdiqani Saciid Carab inuu qalqal galiyay Xiriirka Kubada Cagta, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ballan-qaaday in deg deg loo qabanayo horyaalka Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii