Wararkii ugu dambeeyey ee xiisada garoonka Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraa ayaa sheegaya in weli xiisad ay ka taagan tahay shaqada garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne, gaar ahaan Tarminalka garoonkaas oo shalay la xiray, kadib amar kasoo baxay HirShabelle.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqy garoonka Ugaas Khaliif oo muhiim u ah diyaaradaha maalin kasta aisaga kala goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyn.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka amar qaata madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ‘ay si awood ah ku galeen garoonka’, isla-markaana ay la wareegeen qeybta Tarminalka garoonka Ugaas Khaliif, iyaga oo ka saaray shaqaalaha halkaasi.

Maamulaha Shirkadda Whitestar Maalik Cabdalla oo gacanta ku haya qeybta Tarminalka ayaa war ka soo saaray dhacdadan, wuxuuna sheegay in shaqaalahoodii dhammaan banaanka loo soo saaray, isla markaana maanta wax shaqo ah aysan ka socon xafiisyada Tarminalka garoonka diyaaradaha degmada Beledweyne, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in waxa ka socda garoonka Beledweyn uu yahay boob maadaama shalay ay xireen mamadaxda HirShabelle, maantana ay xoog ku fureen

Ugu dambeyn Maalik ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed in  laga hortago xoog sheegasho uu sheegay inay ka jirto halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda ugu sarreysa dowlad goboleedka HirShabelle oo ku aadan eedeynta culus loo jeediyey.

Si kastaba, Beledweyn oo haatan ay ka taagan yihiin xiisado ka dhashay doorashooyinka iyo dhismaha HirShabelle ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ka dhaceyso doorashada dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii