Muqdisho oo laga billaabayo howlgal cusub oo wax looga qabanayo xaalad soo korortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdiftaax Aadan Xasan ayaa si adag uga hadlay dhaca iyo dilka ay inta badan rag hubeysan ka geystaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Waxa uu ballan-qaaday in ciidamada booliska ay si deg deg ah wax uga qabanayaan arrintaas, oo cabashooyin dhowr ah ka gudbiyeen bulshada ku nool degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada booliska ay wadeen howl-galo lagu sugayo amniga, islamarkaana ay dhawaan soo qabteen qaar kamid ah Burcadda dhaca geeysaneysay, halka kuwo kale uu sheegay inay ku raad-joogaan oo xili dhow soo qaban doonaan, sida uu sheegay.

“Horay waxaan Saldhiga howl-wadaag kusoo bandhignay burcad dhacay Mootooyin Bajaaj iyo dadkii lahaa, welina howlgalka waa uu socdaa oo waxaa jira dad inta Mobeeladoodii laga dhacay ka samran aan dib ugu celinay markii aan qabanay Burcaddii,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in bulshada gobolka Banaadir ku dhex jiraan dad ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ayagu ka qeyb qaata falalka Amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayaa imanaya xili bilihii u dambeeyay ay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ka dhacayeen dilal iyo dhac ay geysanayeen kooxo burcad ah, kuwaas oo cabsi hor leh ku abuuray bulshada gobolka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii