Xog: Xiisad xoogan oo ka dhalatay xil ka qaadista CABDIQANI SACIID CARAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha 14 Naadi ayaa si adag uga horyimid xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cabdiqani Siciid Carab.

Guddoomiyeyaasha ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “mid sharci darro ah oo fowdo ku ah hanaanka iyo dastuurka u degsan xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed”.

“Qeyb kamid ah guddiga fulinta ayaa waxay sii daayeen war-saxaafadeed ay ku sheegen in guddoomiyaha xilka ka qaadeen, taasi oo meel ku dhac ku ah dastuurka, waana arrin fowdo ah oo aan laga fiirsan,” ayaa lagu yiri qoraal si wada-jir ah u soo saareen guddoomiyeyaashaas.

Waxay sheegen in waxba kama jiraan tahay codeynta la sheegay in xilka looga qaaday guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta dalka, islamarkaana aysan awood u laheyn inay shaqo joojin ku sameeyan guddoomiyaha.

“Waxaa halkan ka cadeynaynaa in kooxaha ama shirweynaha ay doortan guddiga fulinta, mana jirto cid ka mid ah guddiga fulinta oo shaqo joojin ku sameyn karta guddoomiyaha, taasi waa awooda shirweynaha oo keli ah.”

Sidoo kale waxay sheegen in loo baahan yahay sixitaan lagu sameeyo awood ay is-bideen xubno kamid ah guddiga, islamarkaana la abaabulo shirweyne arrintaas sharciga lagu waafajinayo.

Arrintan ayaa banaanka u soo saareysa kala qeyb-sanaan hor leh oo soo food saartay guddiga xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, kadib markii uu hore u shaaciyey xoghayaha xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed, oo warbaahinta la hadlay in Cabdiqani Saciid Carab lagu soo eedeeyey shan qodob oo kale ah.

1- Ku xad-gudubka awoodaha guddoomiyaha, kuwaas oo carqalad ku ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

2- Inuu meel uga dhacay qodobo ka mid ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed, isaga oo adeegsanaya awoodda iyo faro-gelinta arrimaha maamulka iyo shaqooyin maamlmeedka xiriirka.

3- Inuu ku guul-darreystay qodobo kasoo baxay shirkii xiriirka ee August, uuna is-hortaag ku sameeyey in la qabto horyaalka kubadda cagta Soomaaliyeed.

4- In la fuliyo dib-u-eegista dastuurka xiriirka kubadda cagta oo la go’aamiyey bishii August ee 2020.

5- Tuhun ku saabsan musuq-maasuq lagu sameeyey laba mashruuc oo FIFA ay ka fulineyso Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo ah xarumo farsamo.

Xoghayaha ayaa sheegay in ayada oo la eegayo qodobadaas ay guddiga fulinta cod u qaadeen in shaqada laga joojiyo guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab, ayna ku billaabeen baaritaan ay sameynayaan guddi ka kooban saddex xubnood, oo uu magacaabay guddiga fulinta, taasi oo guddoomiyeyaasha 14 Naadi ay ku tilmaameen sharci darro.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii