Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka wasiirka cadaalada iyo gudiga la dagaala musuqa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa Dr Xasan Khliif Xasan ayaa bannaanka keenay khilaaf xoogan oo haatan soo kala dhex-galay mas’uuliyiinta wasaaradda cadaaladda Soomaaliya iyo guddigaasi.

Khaliif oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday inuu khilaafkan u dhexeeyo wasiirka cadaaladda Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo agaasimaha guud ee wasaaradda.

“Waa khilaaf ku kooban guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, wasiirka koowaad ee wasaaradda iyo agaasimihiisa guud,” ayuu yiri Dr Xasan Khliif Xasan.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa xusay in khilaafkan uu soo billowday markii la dhaariyey, kadib xubnaha guddiga, wuxuuna ku eedeeyey wasiirka cadaaladda inuu fara-gelin toos ah ku hayo guddigooda.

“Arrinkaas wuxuu soo billowday guddiga markii la dhaariyey ka bacdi ee uu dooranayey guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka ayaa waxa uu damcay wasiirka cadaaladda inuu u soo farageliyo hab aan sharci aheyn, taas oo uu guddigu diiday,” ayuu raaciyey

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasiirka iyo agaasimihiisa ay dano gaar ah ka leeyihiin fara-gelinta guddiga oo uu tilmaamay inuu yahay mid ka madax bannaan wasaaradda.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay guddoomiye ku xigeenku in arrintan ay gaarsiiyeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, balse illaa iyo hadda aan waxba laga qaban.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo beryihii dambe aad loo hadal hayey khilaafkan oo si weyn loo dareemay sagaalkii bishan oo ku beegneyd maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuq-maasuqa, taas oo keentay inay xuska isku khilaafeen labada dhinac.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii