Xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka ee Somaliland oo ku dagaalamay golaha

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in buuq xoogan uu hareeyey kulan ay leeyihiin xildhibaanada golaha wakiilada maamulkaasi, kaas oo ay isku khilaafsan yihiin xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka ee ku jira Golaha.

Xildhibaanada qaar ayaa kulanka bannaanka uga soo baxay, waxaana kadib doodooda ay sababtay inay is gacan qaadaan xubno ka kala tirsan mucaaradka iyo muxaafadka.

Muuqaallo ay heshay warbaahinta ayaa la arkayey laba xildhibaan oo is feeraya, isla-markaana ay kala qabanayaan qaar kale oo ka mid ah xubnaha golaha wakiilada.

Ciidamada ammaanka ayaa ku baxay buuqaas, iyada oo markii dambe lagu guuleystay in la xalliyo dagaalka gacan ka hadalka ah ee dhex-maray xildhibaanada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan xaaladdu ay dagan tahay, isla-markaana uu si rasmi ah u furmay kulanka guud ee golaha wakiilada Somaliland.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa laga akhriyayaaa xeerka uu dib u soo celiyey madaxwayne Muuse Biixi, kaas oo muran ka dhex-dheliyey mucaaradka iyo muxaafadka.

Arrintan ayaa sii xoogeysatay, kadib markii uu shalay wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ku hadlayey afka madaxweynaha ku dhawaaqay in ay furan yihiin ururada siyaasadda, taas oo ay si weyn uga soo horjeesteen xisbiyada UCID iyo Wadani.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii