Kadib qabsashada degmada MATABAAN, Al-Shabaab oo qaraxyo ku burburiyey…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saacado kooban si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, kadib markii ay faarujiyeen ciidamadii ku sugnaa degmadaas.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa kadib markii ay gudaha u galeen degmada waxay qaraxyo ku burburiyeen saldhiga booliska degmada Matabaan, sida ay soo werinayaan dad deegaanka ah.

Sidoo kale xoogaga Al-Shabaab ayaa waxay gudaha degmada ka sameeyen dhaq-dhaqaaqyo lagu baadi-goobayo shaqsiyaad xiriir la leh maamulkii degmada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaal-yahanaada kooxda Al-Shabaab ay iskaga baxeen degmada, kadib markii ay gacanta ku hayeen saacado kooban.

Ka bixista Al-Shabaab ayaa imaneysa xilli ay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda ay u ruqaansadeen dhanka degmadaas, ka horna ay sii faarujiyeen dagaal-yahanadii maanta la wareegay.

Xaaladda ayaa aad u kacsan waxaana dadka deegaanka soo wajahday cabsi xoogan, halka kuwa qaarna ay maanta isaga baxeen degmada.

Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, hase yeeshe maamul ahaan hoostagta Galmudug ayaa waxaa dhowr jeer isku kala bad-badalay ciidamada Galmudug iyo kuwa taabacsan hogaanka Al-Sunna, oo ayadu kal hore dagaal la gashay maamulka.

Si kastaba, illaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda maamulka Galmudug iyo laamaha amaanka maamulka oo ku aadan xaalada Matabaan, oo goordhoweyd ay ka baxday kooxda Al-Shabaab, kadib saacado ay gacanta ku hayeen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii