Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneral Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo si weyn uga soo horjeeday maamulka HirShabelle ayaa shalay ku dhawaaqay inuu haatan diyaar u yahay inuu wada-hadal rasmi ah la galo maamulkaasi iyo sidoo kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Xuud oo ay hareero taagnaayeen taliyaha ciidamada dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya xaqa ka maqan reer Hiiraan ay ku raadinayaan qaab wada-hadal ah
“Dadow ha’isku sirmina ogaada in la dagaali karo, lana heshiin karo. Cid walbaa og waxa naga maqan in la helo isaga ayey dan ugu jirtaa, annagay noogu jirtaa, Soomaali ayey ugu jirtaa, insha allah xaqaas waan keeneynaa,” ayuu yiri.
Haddaba, Maxaa xilligan soo dadajiyey in Xuud uu go’aankan qaato?
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame uu rabo in uu galaan-gal ku yeesho doorashada Golaha Shacabka ee bilaabatay, xilli uu hore ugu fashilmay in uu saameyn haba-yaraate ku yeesho dhismaha maamulka HirShabeelle.
Guddiga hirgelinta doorashada HirShabeella ayaa shalay shaaciyey 11 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka oo uu dhawaan doorashadoodu ku qabanayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.
Weli lama shaacin wax kuraas ah oo kamid ah 25-ka kursi ee la qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Beledweyne, ayada oo ay xiligan muuqato in maamulka iyo Jeneraal Xuud isku fahmeen inay doorasho ka dhici karto magaaladaas.
Beledweyne oo kamid ah deegaan doorashooyinka ayaa markii hore wajahaysay culeys ah in lagu qabto doorashada, maadama ay ka taagneyd xiisad dagaal oo u dhaxeysa maamulka Guudlaawe iyo Jabhada Jeneral Xuud.
Sidoo kale waxaa la rumeysan in dabaca mowqifka Xuud iyo in uu dib ula heshiiyay maamulka HirShabeelle oo uu kasoo baxay duurkii uu dagaalka kaga jiray, inaysan ka madhneyn is-faham ka baxsan doorashada oo keliya.
2-dii bishaan unbey aheyd markii uu Jeneral Abuukar Xaaji Warsame Xuud shaaciyay in si buuxda gacanta ugu dhigay maamulka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, islamarkaana ay ciidankiisa joogaan inta badan xaafadaha magaalada, kadib dagaal culus oo dhexmaray ciidamada maamulka.
Waxaa uu xiligaasna sheegay in ujeeddadiisu tahay dhismaha maamul goboleed lagu magacaabo Hiiraan oo aysan dooneyn in ay wax la qeybsadaan maamulka haatan jira ee HirShabeelle ee uu madaxweynaha ka yahay Cali Guudlaawe.
Si kastaba, Jeneraal Xuud ayaa jabhadeyntiisi mudada soo socotay kusoo afmeeray shir jaraa’id uu saaka ku qabtay magaalada Beledweyne, kaasi oo uu ku sheegay in uu wada-hadal la galayo maamulka iyo dowlad federaalka.