MUUSE BIIXI oo u amba-baxay Itoobiya + Ujeedka

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah u dhoofay dhanka magaalada Addis Ababa, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda sare ee waddankaasi Itoobiya.

Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan golihiisa wasiirada oo qeyb ka ah booqashada uga bilaabatay magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa la sheegay in socdaalkiisa la xiriiro xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi, oo uu ugu horreeyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ah mas’uulka u fidiyey casuumadda uu ku tegay Itoobiya.

Horay waxaa Addis Aababa u gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo hordhac u ahaa safarka Muuse Biixi, kuwaas oo ka qeyb qaadan doono soo dhoweyntiisa.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay xukuumadda Somaliland ka bixisay booqashada Muuse Biixi uu ku aaday caasimada Addis Ababa.

Itoobiya ayaa xiriir xoogan la leh Somaliland, waxaana ay qeyb ka tahay dekeda Berbera oo ay wax kala soo degto, inkastoo muddooyinkii lasoo dhaafay uu yaraa xiriirka labada dhinac, sababo la xiriira dagaalka ka qarxay dalkaas ee u dhexeeya dowladda iyo TPLF.