Daawo: Xasan Sheekh oo war cusub soo saaray, sheegayna in waqtiga loo qabtay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka hadlay marxalada uu dalku marayo, gaar ahaan dhinacyada doorashada, dhaqaalaha, xiriirka caalamka iyo amniga, isagoo sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay wax badan hoos uga dhacday halkii ay uga tageen afar sano ka hor.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka soo sheekeeyey marxaladihii ay soo martay dowladnimada Soomaaliya ilaa Carta iyo hanaanka federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay markii lasoo dhisay dowladii uu hogaaminayey.

“Anigoo ah oday Soomaaliyeed, waxaan leeyahay dadkeyga Soomaaliyeed aan ka imaano wixii shalay nagu dhacay, aan u imaano tan maanta, sidoo kale aan u diyaar garowno tan berri. Waxkastoo dhacay waa lasoo dhaafay, soomana noqon karaan ee dulqaata,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in kalsooni badan uu ku qabo in doorashadu ay ku dhici doonto waqtiga loo qabtay ee 45-ka cisho ah.

“Anigu waxaan qabaan in 275-ta xildhibaan lagu soo dhameystiri karo waqtigaas, waaba dooran yihiinaa la yiriye,” ayuu yiri.

Waxuu sheegay in madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada aan laga ogolaa karin, in waqti iyo bilo kale ay ku darsadaan oo doorashadaan ay sii jiitanto.

“War aduunku waa nala hadlay, waxaan dhahnaa dal xor ah ayaan nahay, laakiin tiirarkii xornimadu manoo dhan yihiin? hadii dhaqaalihii, amnigii iyo xukunkii maanta uu caalamku naga kaalmeynayo, hadii naloo digo oo waqti naloo qabto ceeb maaha,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sharaxay dhibaatooyinka Soomaaliya ka soo gaari kara hadii ay ka dhega adeygto digniinaha caalamiga ah ee ku aadan qabsoomidda doorasho xor ah.

“Dadka iyo madaxda Soomaaliyeed waan u digayaa, war dalka yaan la gelin ciriiri ku celiya duruufihii aan soo marnay, waxaan uga badbaadi karnaa doorashada oo la dedejiyo, kuma nagaa karno xaaladaan maanta aan ku jirno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa tusaale u soo qaatay wadamo badan oo doorasho la diiday ama xumaatay ay meel xun geysay oo dunida inteeda kale ka haray.

Waxuu sheegay in ciidanka qaranka aysan geysan wax dhibaato ah, balse siyaasiyiinta, gaar ahaan madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar ayuu u saariyey wixii dhib ahaa oo ciidanka qaranka ay ka geysteen meelo kala duwan.

Ugu dambeyntii madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isku dulqaataan oo si aqbalaan, si looga gudbo marxaladaan adag ee dalkeenu ku jiro.

Hoos ka daawo