Daawo: SACIID DENI oo sheegay arrin uu caqabad iyo DAGAAL kala kulmay

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo khudbad ka jeediyey shirka dhalinyarada oo todobaadkaan ka furmay Garowe ayaa soo bandhigay caqabadaha ku gedaaman jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saaray sidii dhalinyarada fursad loo siin lahaa, balse dagaal culus oo siyaasadeed ay kala kulmeen.

“Dowladaan waxay diyaar u tahay in fursado badan ay u abuurto dhalinyarada, waase nalagu colaadibnayaa, aad ayaan uga xumahay wax lasoo dhaafay in dib la iigu celiyo, dhalinyarada waxaan leeyahay midnimada umadda Soomaaliyeed iyo nabadda xooga saara,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Saciid Deni oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Caqabada ugu weyn ee ka masuul ahaan aan dareemaayo waxay tahay, dadkeena waxaa ku badatay in qof kasta uu xooga saaro dantiisa gaarka ah, waa jiraan waxyaabo naga soo gaaray burburkii oo aan ka soo kabanay, laakiin wax badan oo cusub ayaa nagu soo biiraya, qatar ayaa ku soo wajahan Soomaaliya, ma jirto cid dan guud ka fikireysa.”

Saciid Deni ayaa shirkaan ku tilmaamay mid muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo dhalinyarada ka soo qeyb gashay kula dardaarmay in baahida ay qabaan dadka Soomaaliyeed ee dhanka ammaanka ah ay isku dayaan inay wax ka qabtaan.

“Shirkaan waa mustaqbalkii Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sababtoo ah dadkeenu waa wada dhalinyaro, go’aanka aad maanta gaartaan ayaa dalkaan iyo dadkaan mustaqbal u noqon doona,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Dani ayaa dhalinyarada kula dardaarmay in shirkooda ay ka soo saaraan go’aano wax ka bedeli kara marxaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed, isagoo soo hadal qaaday dhinacyada isku dhaca beelaha, tiknoolajiyadda iyo caqabado kale oo ay Soomaalidu wajaheyso.

Hoos ka daawo