Ciidanka Gorgor ‘oo arrimo yaab leh ka wada’ Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Bulshada ku nool magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa ka cabaneysa ciidamada Gorgor, iyaga oo sheegay inay kala kulmaan dhac maalin iyo habeen ah iyo cabsi gelin joogta ah.

Qaar ka mid ah dadka reer Guriceel ayaa warbaahinta u sheegay in marar qaar ay gudaha magalaada ka dhacaan is-rasaaseyn u dhaxeysa ciidamada, sidoo kale dadka magaalada oo caweyn jiray ilaa xili dambe ay hadda guryahooda ku xarooda 9:00 fiidnimo.

Mid ka mid ah dadka ku nool Guriceel ayaa yiri, “Ciidanka Gorgor ee ku sugan magaalada Guriceel dhibaatada ay ku hayaan dadka shacabka ah waxaa ka mid ah, in hablaha qaadka ku iibiya magaalada ay xoog uga qaataan, iyagoo leh waan idin ka iibsanaynaa, kadibna kala tegaya, waxay sidoo kale dhac u geystaan dhallinyarada magaalada ku daahda habeenkii iyaga oo taleefanada gacanta ka qaata.”

Qofkaas oo sii hadlayey ayaa yiri “Arrinkaan waxaa uu soo bilowday kadib markii ciidamada dowladda iyo Ahlu-Sunna ay ku dagaalameen magaalada, markaas oo ciidamada dowladdu ay ku itaal roonaadeen, hadal-heynta uga badan oo shacabka ayaa ah, in ciidamada in deegaanka laga raro ama meel kale la geeyo ay jeclaan la haayeen.”

Sidoo kale reer Guriceel waxay sheegeen in ciidamada Gorgor ay mararka qaar dhigtaan isbaarooyin, iyagoo dhibaateeya dadka safarka ah.

Dadka reer Guriceel waxay meesha ka saareen in ay jiraan kufsi ay magaalada ka geysteen ciidanka Gorgor, “Ma maqal kufsi ay ciidamadu geysteen, laakiin dhaca maalinta cad ayaa jira, iyaga oo mararka qaar u adeegsada xabado ay ku ridaan dadka, ilaa hadda ma maqal qof ay dileen, dadkuna waxay in badan ka sheegtaan ciidanka Gorgor oo waayahaan joogay deegaan,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool magaalada Guriceel.

“Marka laga soo tago dhaca Taleefanada iyo Qaadka dumarka laga dhaco, waxaa jira dukaamo la jabsaday, guryo loo dhacay iyo kuwa alaabta lagala baxay, dhibaatooyinkaas ayey ciidamadu ku hayaan dadka deegaanka,” ayuu yiri qof ku nool Guriceel.

Badankood dadka reer Guriceel waxay arrintaas u sababeeyeen maqnaashiyaha taliyaha booliska degmada Guriceel oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho

“Taliyaha ciidanka Booliska Guriceel waxaa uu muujiyey dadaal fara badan, isagoo saraakiisha Gorgor iyo kuwa kale isugu geeray, heshiisna ay ku galeen inaan magaalada xabad laga ridi karin, dadkana aan lagu dhibaateyn karin deegaanka. Taliyaha waxaa soo wajahay xaalado caafimaad, intii maalmahaan uu ku maqnaa Miqdisho, balse waxaa ka faa’iidaystay ciidamadii joogay ee Gorgor,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey qof ka mid ah dadka ku nool magaalada Guriceel.

Xigasho: Goobjoog News