Maxkamadda Ciidamada oo DIL toogasho ku xukuntay Xasan Maxamud Dhiblaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo ahaa askari ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, balse horey dil ugu geystay qof shacab ahaa.

Maxkamadda ayaa fadhiyo kala duwan ka yeelatay kiiskan oo la xiriira dil uu askarigan u geystay Marxuum Maxamed Cawil oo ahaa wade Mooto Bajaajle, kaas oo dilkiisu bishii August sanadkii 2019-kii ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan isgoyska Tarabuunka.

Dhiblaawe oo falkaas dilka ah, kadib baxsaday ayaa waxaa mar dambe, gaar ahaan September isla 2019-kii  ganacata ku soo dhigay ciidamada ammaanka, kadib waxaa lagu wareejiyey hay’adaha baarista iyo xeer ilaalinta maxkamadda, si ay ula wareegaan.

Kadib xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamadda horteeda la yimid qiraalka eedeysanaha, sedax marag, baarihii Kiiska, xaanshida dhimashada marxuumka oo ay u dheertahay waaran uu xafiiska xeer ilaalinta u jaray eedeysanaya, markii uu baxsaday, kadib.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saartay, waxa ayna ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe dil toogasha oo ah qistaasta Marxuum Maxamed Cawil Jaamac, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay G/lle Maxamed Cabdi Muumin.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunsanaha iyo qareennadiisa siisay fursad ay ku dalban karaan racfaan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa horey xukuno kala duwan ugu ridday askar ka tirsan ciidamada dowladda oo dilal u geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.