Macallimuu: Mucjiso ayay ahayd sidii aan uga bad-baaday qaraxa (Wareysi)

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay faahfaahinta qaraxii lala beegsaday 16-kii January ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Macallimuu oo waraysigii ugu horreeyay tan iyo markii uu dhaawacmay siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay in marka la eego xajmiga qaraxa uu fuliyay qofka dili rabay iyo masaafada kooban ee uu u jiray, ay tahay wax mucjiso ah sida uu uga badbaaday.

Xaaladdiisa caafimaad ayaa hadda soo hagaagaysa, waxaana muddo ku dhaw lagu daweynayay cisbitaal ku yaalla Istanbul, Turkiga.

“Waxaan ka jabay bowdada midig iyo gacanta, firirna jirka ayuu iga galay. Hadda waxaan isku dayaa in aan socdo, maalinba maalinta ka dambeysa xaaladeydu way soo fiicnaaneysaa,” ayuu yiri Macallimuu.

Waxa uu si faahfaahsan uga warramay qaraxii lala beegsaday iyo xaalka sida uu ahaa subaxaas.

“Markii aan gurigeyga ka soo baxayay waxaan ahaa qof faraxsan oo shaqadiisa u socda, laakiin sekeno gudahood ayay xaaladdu is bedashay. Wiil aan adeer u ahay oo gaariga darawal ka ahaa ayaa igu yiri soo deg waan baxaynaa,” ayuu sheegay Macallimuu.

Waxa uu tilmaamay in ninka isku qarxiyay uu aad ugu dhawaa, awoodda Alle oo keliya na ay badbaadisay.

“Markaan gaariga saartay laptop-kii aan watay ayaa waxaan arkay xariga kabta oo iga furan. Anigoo xiranaya ayaa waxaan arkay qof isa soo maqiiqay oo meel aan fogeyn soo cararaya. Waxaan xusuustaa in albaabka gaariga qeybtiisa dambe aan ku riixay oo aan jug ku siiyay. Laakiin xoog iyo xeelad qofkaa looga baxsan karay ma jirin ee awoodda Alle ayaa i badbaadisay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxa uu sheegay in markii uu qaraxa dhacay kadib ay niyadiisa u sheegtay in ugu yaraan qeyb kamid ah jirkiisa uu ka go’ay.

“Markii uu qaraxa dhacay dhulkaan ku dhacay. Qiiq madow iyo uuro ayaa afka iga buuxiyay. Markii hore waxaan is lahaa ugu yaraan qeyb kamid ah jirkaaga ayaa maqan, laakiin markii aan dhulka ku dhacay ayaan gacanta isku hubiyay. Alxamdullilah, waxaan arkay inuu jirkeyga taam yahay,” ayuu ku jawaabay Macallimuu.

Weriyahan hore uga tirsanaa BBC-da ayaa sheegay in inkastoo uu qaraxyo iyo weerarro badan kula kulmay Muqdisho, haddana uu rabo in uu ku laabto caasimadda Soomaaliya.

“Dhul kale ma qabo oo aan Soomaaliya ahayn. Anigoo intaan ka dhalinyar ayaan soo maray caasimadaha 15 dal oo Yurub ah, qaarkoodna aan ka soo shaqeeyay, weligeyna kuma fekerin in aan is dhiibo,” ayuu sheegay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in xaalad ka adag tan maanta Muqdisho ka jirta uu ku soo shaqeeyay, sidaa awgeedna uu ku qanacsan yahay dalkiisa, uuna rajeynayo in xaaladda amni ay wanaagsanaan doonto.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in uu weli u taagan yahay kursi kamid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadiisu tahay Hirshabelle.

Dhammaadkii bishii February 2019, Macallimuu ayaa ka badbaaday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen huteelka Maka Al-Mukarama iyo goobo u dhaw, waxaana ka soo gaaray dhaawac fudud , gaar ahaan gacanta.

“Waxaan ku cararay duleel uu derbiga huteelka ku sameeyay gaarigii qarxay,” ayuu sheegay Macallimuu.

Sanadkii 2016, Macallimuu ayaa si xun ugu dhaawacmay weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeen huteel ku yaalla xeebta Liido.

“Balli dhiig ah ayaan ku jiray muddo ka badan laba saacadood. Waxa uu dhaawac xun iga soo gaaray wejiga. Bilooyin badan ayaa la igu daweynayay cisbitaallo ku yaalla Nairobi iyo London,” ayuu Macallimuu u sheegay BBC.

Sanadkii 2013, Macallimuu ayaa la kulmay weerar ay A-Shabaab ku beegsatay xaruntii UNDP ee Muqdisho, iyadoo ay waxyeello ka soo gaartay gaarigii uu watay.

Macallimuu ayaa sheegay in marar badan ay qoyskiisa kala taliyeen tegidda goobaha ay bulshada isugu yimaadaan, gaar ahaan maqaayadaha.

Waxa uu tilmaamay in weerarkii huteel Elite uu saameyn ba’an ku yeeshay, isla markaana uu aad uga naxay in saaxiibkii ay wada fadhiyeen uu daqiiqado gudahood ku waayo.