Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maalgelin abaabulan ay ka dambeysay rabshadihii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho, xilli ay ciidamada ammaanka ku dhawaaqeen inay soo afjareen howlgal 48 saacadood socday oo ka dhan ahaa kooxo hubeysan oo ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin siyaasiyiin mucaarad ah.
Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in la jebiyey dad uu ku tilmaamay kuwo “la soo abaabulay lana maalgeliyey” si ay u wiiqaan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
“Shirqoolkoodii hortooda ayuu ku burburay, waxaana laga riixay bartilmaameedyadii ay doonayeen inay weeraraan,” ayuu Cabdulqaadir ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.
Wasiirka ma magacaabin cidda uu ku eedeynayo inay maalgelisay rabshadaha, balse hadalkiisa ayaa muujinaya in dowladda ay rumeysan tahay in qalalaasaha Muqdisho uu lahaa taageero abaabulan oo ka baxsan kooxihii hubeysnaa ee goobta joogay iyo dowlado shisheeye.
“Dadka maalgeliyey mashruucan fashilmay, waxa keliya ee ay ka heleen waa jab,” ayuu yiri. “Markii ay ku guuldarreysteen ujeeddooyinkoodii, hadda waxay xisaabinayaan khasaaraha ka dhashay khaladkii ay galeen.”
Hadalkan ayaa yimid kadib markii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo gabagabeeyeen howlgal 48 saacadood socday oo Muqdisho laga fuliyey, kaas oo ay sheegtay in looga hortagayey maleeshiyaad abaabulan oo doonayey inay amni-darro ka abuuraan caasimadda.
Wasaaradda ayaa sheegtay in kooxo hubeysan oo watay hub culus ay galeen xaafado ka tirsan Muqdisho, kadibna ay weerareen ciidamada booliska iyo dad rayid ah.
Waxay intaas ku dartay in ciidamada ammaanka ay si taxaddar leh ula tacaaleen kooxahaas, oo ay ku eedeysay inay abaabuleen siyaasiyiin ay ka mid yihiin ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu qabtay hub ay lahayeen maleeshiyaad ay ku tilmaantay sharci-darro, islamarkaana hay’adaha ammaanka iyo kuwa garsoorka ay bilaabeen baaritaanno rasmi ah.
Waxay sheegtay in qof kasta oo lagu helo inuu qeyb ka qaatay falalkaas la horgeyn doono cadaaladda.
Dowladda ayaa sidoo kale ku hanjabtay inaysan aqbali doonin maleeshiyaad hubeysan iyo hub sharci-darro ah, iyadoo sheegtay in cid kasta oo ku lug yeelata falal noocaas ah ay wajihi doonto tallaabo adag oo sharci ah.
Mucaaradka ayaa dhankooda si adag u beeniyey eedeymaha dowladda, waxayna ku eedeeyeen maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xoog u adeegsaday siyaasiyiin ka soo horjeeda xilli uu taagan yahay muran la xiriira doorashooyinka iyo isbeddellada dastuurka.
Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu amray weerar militari oo joogto ah, kaas oo uu sheegay in ujeeddadiisu ahayd in lagu dilo isaga, Shariif Sheekh Axmed, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin kale.
Shariif Sheekh Axmed ayaa isna dowladda ku eedeeyey inay weerartay gurigiisa oo ku yaalla aagga Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay hareereeyeen islamarkaana rasaas ku fureen hoygiisa.
Labada mas’uul ayaa tan iyo markaas ka baxay goobihii xiisadda badani ka taagneyd, tallaabadaas oo ilo siyaasadeed ay ku tilmaameen dadaal lagu qaboojinayo xaaladda caasimadda.
Muqdisho ayaa Jimcihii u muuqatay mid deggen, kadib maalmo ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan, rasaas iyo iska horimaadyo abuuray cabsi ah in khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya uu isu beddelo dagaal magaalo oo ballaaran.

