Wararkii ugu dambeeyey ee loolanka adag ee ka taagan kursiga HOP#106 + Sawirro

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada kursiga HOP#106 laga dareemayo halkaas, kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay caasimada HirSahbelle ee Jowhar.

Kursigan oo ka mid ah kuraasta ku harsan HirShabelle ayaa waxaa isku diiwaan-geliyey illaa 6 musharrax oo shahaadada ka qaatay guddiga doorashada ee SEIT.

Xubnaha tartamaya ayaa mid ka mid ah waxa ay tahay dumar, halka shanta kalena ay yihiin rag, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil iyo siyaasiiyiin caan ah, waxayna kala yihiin:-

1-Cusman Maxamed Maxamuud ( Xaadole), 2-Shadoor Xaaji Maxamuud, 3-Fowziya Sheikh Cali Maxamuud, 4-Bashiir Maxamed Yuusuf, 5-Yuusuf Cabdi Cabdulle 6-Yaxye Abuukar Aadan.

Doorashada ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ka bilaabato magaalada Jowhar, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

HirShabelle ayaa tartan furan ka dhigtay kuraasta haatan doorashadooda ay ka socota Jowhar, waxaana ugu dambeeyey HOP#024 oo uu kusoo baxay Maxamed Axmed Beerey.

Si kastaba, HirShabelle ayaa ka mid ah maamullada ka daahay jadwalka doorashada iyo dhammeystirkeeda, kadib caqabada hareeyey kuraasta taalla maamulka HirShabelle.