R/W ROOBLE oo maanta u baxay safar dibadeed + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u amba-baxay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-Taga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qayb-galayo Aaska Madaxweynihii dalkaasi Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ee geeriyooday.

Rooble ayaa kamid ah madaxda kala duwan ee ka qab-galeysa munaasabadda aaska loo sameyneynayo Sheekh Khalifa oo dhowaan xanuun u geeriyooday, isaga oo jiray 73 sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Kadib aaska Marxuumka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda ugu sarreysa ee waddanka Imaaraadka Isu-Taga Carabta, oo uu kala hadli doona sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale waxaa ra’iisul wasaaraha booqashadan ku wehlinaya qaar ka mid ah golihiisa wasiirada oo iyaguna wada-hadallo la yeelan madax ka tirsan dowladda Imaaraadka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horey u booqday dalkan, xilligii uu khilaafka kala dhexeeyey Madaxweynaha xilka kasii daya, kadib markii uu raaligelin siiyey xukuumadda Abu Dhabi.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sanadihii u dambeeyey, kadib khilaaf soo kala dhex-galay iyaga dowladddii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo hadase wuxuu u muuqdaa inuu isbedal ku yimid kadib doorashada Xasan Sheekh.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana safiir uu ujoogaa magaalada Muqdisho, kaas oo durbo kulan toos ah la yeeshay Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya, una hambalyeeyey.