Maxay shacabka Jigjiga ka yiraahdeen magacaabista ra’iisul wasaare XAMZA?

Jigjiga (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga oo uu warramay VOA-da ayaa ka hadlay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee uu shalay ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu u magacaabay Xamza Cabdi Barre.

Shacabka Jigjiga ayaa si weyn usoo dhoweeyey ra’iisul wasaaraha cusub oo deegaan ahaan kasoo jeeda magaaladaasi oo xarun u ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale waxa ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha Soomaaliya doorashada uu doortay inuu ra’iisul wasaare u magacaabo, Xamza Cabdi oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Cabdiraxmaan Maxamuud oo ka mid ah dadka ka hadlay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Xamza, uuna yahay nin karti leh.

“Aadbaan ugu faraxsanahay 100% ra’iisul wasaare Xamza, sababtoo ah waa nin Soomaaliyeed, waa aqoonyahan Soomaaliyeed, waa nin karti leh,” ayuu yiri C/raxmaan.

Dhankiisa Jaamac Kadiye oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Jigjiga ayaa sheegay inay taariikh cusub tahay in Madaxweynuhu soo xusho nin ay isku xisbi yihiin, isla-markaana ay muddo soo wada shaqeeyeen, iyaga oo ahaa saaxibo.

“Waa taariikh ugub ku ah dadka Soomaaliyeed in maanta Madaxweynaha uu usoo xusho ninay isku xisbi yihiin muddo dheer ay soo wada ahaayeen saaxibo isku dhow” ayuu yiri.

Sidoo kale Axmed Muxumed Cumar ayaa ugu duceeyey ra’iisul wasaaraha cusub inuu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda ee loo igmaday, uuna sidoo kale ku guuleeyo.

“Waxaan leeyahay Xamza Cabdi xilka Ilaahey haku asturo, Ilaahey haku guuleeyo,” ayuu ugu duceeyey Axmed Muxumed Cumar oo ka mid ah shacabka ku dhaqan Jigjiga.

Dareenka shacabka Jigjiga ayaa kusoo aadaya, iyada oo shalay Madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay in Xamza Cabdi Barre noqdo ra’iisul wasaaraha cusub, kaas oo haatan sugaya inay ansixiyaan xildhibaanada, kadibna uu soo magacaabi doono golihiisa wasiirada.