DEG DEG: Qarax goordhow ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahibno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax markale maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa laga maqlay caasimada.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay aargada degmada Dayniile, halkaas oo ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo marayey ah halkaasi, waxaana jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah iyo askar.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana rasaas laga maqlay goobta, maadaama ay ka agdhoweyd barkoontarool oo lagu hubiyo gaadiidka halkaasi mara.

Sabtidii lasoo dhaafay ayey aheyd markii qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen agagaarka Zoobe, kuwaas oo ay ku dhinteen illaa 120 qof, halka ay ku dhaawacmeen 300 oo kale.