26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Howlgal Al-Shabaab looga burburiyay goobo muhiim ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal qorsheysan oo ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaanka Daynuunaaye ee gobolka Baay.

Howl-galkaan ayaa lagu burburiyay goobo lacago baad ah ay kooxda Al-Shabaab uga qaadi jireen dadka shacabka Soomaaliyeed.

Howl-galkaan ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Ururka 47-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhageey).

Taliye Dhageey ayaa xaqiijiyay in kooxda Al-Shabaab howl-galka looga burburiyey goobo ay lacago baad ah ay kaga qaadayeen shacabka, oo u dhaxaysa deegaanada Moodo–Moodo iyo Daynuunay ee gobalka Baay.

Deegaano ka tirsan gobolka Baay iyo guud ahaan dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa ka socdo howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan si rasmi uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, sida uu kal hore ku dhowaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sidoo kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.

- Advertisement -

Read more

Local News