25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Kulan xasaasi ah oo u socda DENI iyo Isimada SSC

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in haatan kulan xasaasi ah uu madaxtooyada Puntland uga socdo madaxweynaha maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni iyo qaar kamid ah Isimada Dhaqanka SSC-Khaatuma.

Kulankan oo uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland.

Inta badan waxaa kulankan looga arrinsanayaa xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan xal u helidda khilaafka weli ka taagan doorashada oo isku hayaan Deni iyo mucaaradka.

Isimada SSC ayaa ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac, waxaana la filayaa in shirka kadib ay war kasoo saaraan meesha ay marayaan dadaallada ay wadaan.

Sidoo kale Isimada ayaa horay ula kulmay Dalladda ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka ee ku sugan Garoowe, iyaga oo ka dhageystay rabitaankooda, kadibna waxa ay aadeen dhanka madaxweynaha oo ay haatan kala hadlayaan xiisadda ka jirta Garoowe.

Shirarkan siyaasadeed ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli aan la’isku fahmin nooca doorasho ee ka dhaceyso Puntland, waxaana sii dhammaanaya muddo xileedka dowladda.

Saciid Deni ayaa weli ku adkeysanaya qabashada doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradka ay ka biyo diidan yihiin, maadaama lagu sii dhawaanayo siddeeda Janaayo oo ah maalinta ugu dambeysa muddo xileedka madaxweynaha & hay’adaha kale ee dowladda.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda wada-hadallada iyo dadaallada nabadeed ee haatan ka soconaya Garoowe.

- Advertisement -

Read more

Local News