27.9 C
Mogadishu
Friday, June 5, 2026

Sawirro: Sidee madaxweyne Xasan loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa?

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Abiy Axmed, oo uu meeqaam ahaan ugu sareeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Ujeedka socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah si uu uga qeyb galo Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, xilli Itoobiya ay xad-gudub ka dhan ah kula kacday.

Waxa uu madaxda la wadaagi doona sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xad-gudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

“Inta uu socdo shirka, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, ururada iyo wufuuda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya shirka.”

Madaxweyne Xasan oo shalay ka socdaalkiisa Addis Ababa, ayaa meesha ka saaray in Itoobiya kala hadli doonaan xiisadda taagan, isaga oo sheegay in mowqifka dowladdiisa uu yahay kii ay hore u shaacisay.

Xasan ayaa horey u sheegay in goorta kaliya ee Itoobiya wada-hadal la gali karaan ay tahay marka ay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku saxiixdeen Addis Ababa.

Socdaalka madaxweynaha ayaa siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, ayada oo dadka qaar u arkaan inuu yahay mid lagu fududaaday, halka kuwa kalena ay qabaan in Soomaaliya aysan lumin fursad kasta oo fagaarayaasha caalamka ugu muujin karto mowqifkeeda ka dhanka ah Itoobiya.

- Advertisement -

Read more

Local News