28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Sawirro: Soomaaliya oo shir muhiin ah uga qeyb-gashay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Bali (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo kheeyraadka biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa lagu soo dhoweeyey dalka Indonesia oo uu kaga qeyb-gelayo Shirka Madasha 10-aad ee biyaha (10th World Water Forum).

Madashaan oo lagu qabtay magaalo Xeebeedka Jaziiradda Bali ee falka Indunuusia waxaa furay madaxwaynaha waddankaas oo khudbad ka jeediyey.

Shirkan ayaa waxaa looga doodi doona caqabadaha guud ee biyaha iyo sidoo kale heerka daboolka biyaha, xal u helidda khaliaafadka biyaha ee hadda taagan.

Sidoo kale waxaa shirkaan lagu lafa-guri doona hirgelinta go’aamadii ka soo baxay shirweeynihii biyaha dunida (UN water conference New York 2023).

Wasiiru-dowlaha ayaa intii ay socotay madashan warbxin ka jeediyey, sidoo kalena wuxuu kulamo gaar-gaar ah uu la yeelan doonaa wafuudda sare ee ka socda waddamada cilaaqaadka biyaha uu nagala dhaxeeyo iyo hay’addaha horumarinta biyaha ka shaqeeya inta ay socoto madashu.

Shirkan ayaa muhiim u ah Soomaaliya, oo ayadu muddooyinkii dambe la daala-dhaceysay caqabadaha guud ee biyaha, iyada oo mararka qaarna ay soo wajahdo biyo yari baahsan.

- Advertisement -

Read more

Local News