28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wasiir Jaamac iyo James Swan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa magaalada Muqdisho ku yeeashay kulan laba geesood ah.

Kulankaan ayaa waxay labada dhinac diirada ku saareen dagaalka kooxda Al-Shabaab, dhimista ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS iyo dib u habeynta ammaanka.

Wasiirka Jaamac oo ergeyga uga warbixiyay horumarka baaxadda leh ee laga gaaray howl-galadda ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dalka kaga xoreynayaan Al-Shabaab ayaa dhanka kale tilmaamay muhiimada xilligan ay leedahay xoojinta taageerada UNSOM.

Amb. James Swan ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku ammaanay sida naf hurnimada leh ee ay uga go’an tahay inay dalkooda ka xoreeyaan kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu maalmihii dambe waday James Swan, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii loo soo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya.

Swan ayaa horey xiriiro ula sameeyay madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaasi oo ay ka wada-hadleen isbeddeladii ugu dambeeyay ee dalka dhacay iyo sida looga shaqeyn karo horumarka Soomaaliya.

Wada-hadalladan ayaa qayb ka ahaa wada-tashiyo uu maalmahan James Swan la yeelanayo daneeyayaasha siyaasadda, si uu xog wareysto xaaladda guud ee dalka, sida lagu sheegay bayaan kal hore kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNSOM.

- Advertisement -

Read more

Local News