25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Maxaad kala socota xagjirka Puntland ee neceb Khaatumo?

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Xildhibaan Qaalib Xasan Baaruud oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya maamulka Puntland iyo kan Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay laga dareemayay xiisado siyaasadeed oo isa soo taraya.

Xildhibaan Qaalib, oo laga soo doorto gobolka Sool, ayaa shaaca ka qaaday in labada maamul ay yihiin dad walaalo ah oo daris ah, balse ay jiraan siyaasiyiin iyo wariyeyaal ka dhex shaqeynaya labada dhinac kuwaas oo uu ku eedeeyay inay abuurayaan nacayb iyo kala fogaansho, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu xildhibaanku ku tilmaamay dadkaasi inay yihiin xag-jiriin khatar ku ah jiritaanka Puntland iyo mabaadi’dii lagu aas-aasay maamulkaas.

“Dadka reer SSC-Khaatumo, Puntland waa gaashaan iyo difaac bir ah oo aan la jebin karin. Waa udub-dhexaadka jiritaanka Puntland. Laakiin siyaasadda guud, saxaafadda iyo hay’adaha dowladda Puntland waxaa ku dhex jira dad xagjir ah oo khatar ku ah jiritaanka Puntland iyo mabda’a lagu dhisay,” ayuu yiri Xildhibaan Qaalib Baaruud.

Wuxuu intaas ku daray in dadkani ay yihiin kuwo si cad loo garanayo, isla markaana ay xilli walba wadaan hawlo siyaasadeed oo lagu kala fogeynayo Puntland iyo SSC-Khaatumo.

“Dadkaasi waa kuwo aan colaad iyo nabad midna Puntland wax ku soo kordhin karin. Hadh iyo habeen waxa ay ka shaqeynayaan waa kala fogaanshaha dadka walaalaha ah,” ayuu yiri.

Xildhibaan Qaalib ayaa sidoo kale si toos ah u dhaliilay kooxaha magacooda ku sheegaya SSC-Khaatumo, isagoo ku eedeeyay inay afduubteen halgankii, ayna hadda ku mashquulsan yihiin hurinta kala-qaybsanaan siyaasadeed.

“Waa isla kooxdii magaca SSC-Khaatumo afduubtay, halgankii is-yeelyeelsi ka dhigtay, haddana isku dirka shacabka walaalaha ah ku raadinaysa dano gaar ah oo Laascaanood iyo Xamar ka dhex raadinaysa. Labada dhinacba waxay khatar ku yihiin midnimada shacabka Puntland iyo SSC-Khaatumo,” ayuu yiri.

Hadalka Xildhibaan Qaalib ayaa kusoo beegmaya xilli ay maalmihii u dambeeyay si weyn u soo baxayeen warar muujinaya xurguf hoose oo u dhexeysa Laascaanood iyo Garoowe – labo maamul oo deegaan ahaan isku dhow, balse hadda kala aragti duwan arrimaha siyaasadeed.

Xiisaddan cusub ayaa sidoo kale imaneysa iyadoo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, uu gaaro magaalada Laascaanood – xilli uu khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhexeeyo maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

- Advertisement -

Read more

Local News