25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Somaliland oo arrin yaab leh ka sheegtay safarka Xamza uu ku tegay Laascaanood

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Somaliland ayaa mar kale ka hadashay safarka uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre maanta ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, iyada oo shaacisay arrin yaableh.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Mareykanka oo ay horay ula wadaadeen safarka Xamza uu qiyaamay, isla markaana uu uga baxay qorshihii ay isla meel dhigeen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aano waxba iska beddalin safarka Ra’iisul wasaaraha oo uu tilmaamay inay Mareykanka kala hadleen baajintiisa, kahor inta aanu teegin Sool.

“Dowladda Maraykanka waa na qiyaantay; safarka Ra’iisul Wasaare Xamza ee Laascaanood waxba iskama beddelin, waxay noo balan-qaaday inay ka joojinayso.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Somaliland ayaa horay u sheegtay in Xamza Cabdi Barre uu ka qoomameyn doono haddii uu cagta saaro Laascaanood,balse ma dhicin waxaana maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi oo xarun u ah maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

“Ra’iisul wasaare Xamza wuxuu rabaa inuu Laascaanood yimaado, isaga oo sida mashruuc ah in dagaalo laga bilaabo Sanaag iyo Sool. Waxaan uga digayaa ninka Raiisul wasaaraha Soomaaliya ku magacaaban inuu ka qoomamayn doono hagardaamada iyo mashruuca dagaal ee uu mar labaad u soo wado shacabka gobolada Sool iyo Sanaag” ayuu horay u yiri Axmed Faarax oo ah guddoomiyaha maamulka Sool ee Somaliland.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa maanta markii uu tegay Laascaanood waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye, xubno sar sare oo kamid ah maamulkiisa iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo u soo banaan baxay soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Socdaalkan waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehlinayo qaar kamid ah golihiisa waisirada, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin oo ka tirsan hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale booqashadan ayaa noqon doonto mid kooban oo laba maalmood ah, balse muhiimad weyn xambaarsan, isla markaana jawi cusub u abuureyso labada dhinac.

Sida qorshuhu yahay ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo Laascaanood, wuxuu la kulmi doonaa hoggaanka SSC-Khaatumo, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka xog wareysan doono xaaladaha ka jira deegaannada maamulkaas.

Waxaa kale oo la filayaa in Xamza Cabdi Barre uu xarigga ka jaro mashariic laga hirgeliyay halkaasi, kuwa kale oo cusubna uu u dhagax dhigo reer Laascaanood.

Si kastaba, Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli uu gobolka weli wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag, balse safarkan ayaa loo arkaa mid iftiin u yeeli kara dadaallada lagu doonayo xasilinta iyo horumarinta deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News