Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa si yaab leh u muujiyay suurta-galnimada ay kooxda Al-Shabaab ku qabsan karto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Faysal oo ka fal-celiyay weerarkii ay maanta degmada Aadan Yabaal ku qabsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegay in sareyso suurta-galnimada ay kooxdu ku qabsan karto magaalada Muqdisho.
Sida uu sheegay, kooxda ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho qabsan doonta bisha May illaa June 2025, isagoo tan u cuskaday fashil dowladeed uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.
“Waxaynu eegnaaba waa Xarakada Al Shabaab oo la wareegta Soomaaliya dhawaan. Sidii aan hore u sheegay, bisha May ama ugu dambayn bisha June 2025,” ayuu Waraabe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).
Waxa uu intaas kusii daray “Failed state ka Soomaaliya oo bilaa nidaam ahayd laga soo bilaabo 1991, taliskii Siyaad Barre ka dib. Waxay khatar ku ahayd nabadgelyada adduunka, siiba Geeska Afrika, iyo isu socodka ganacsiga adduunka.”
Sidoo kale wuxuu sheegay illaa 4 isbeddel oo kooxdu sameysay, taasi oo u gogol xaareysa qabsashada dalka, sida uu sheegay siyaasiga reer Somaliland.
Hoos ka aqriso qoraalka Waraabe oo dhameystiran:
Allahu Akbar
Waxaynu eegnaaba waa Xarakada Al Shabaab oo la wareegta Soomaaliya dhawaan. Sidii aan hore u sheegay, bisha May ama ugu dambayn bisha June 2025.
Failed state ka Soomaaliya oo bilaa nidaam ahayd laga soo bilaabo 1991, taliskii Siyaad Barre ka dib. Waxay khatar ku ahayd nabadgelyada adduunka, siiba Geeska Afrika, iyo isu socodka ganacsiga adduunka.
AS waxay oggolaatay shuruudahan:
1. In ay joojiso argagixisada (terrorism).
2. In ay ka baxaan ururka Al-Qaacida, iskana saaraan ajaanibta aan dalka u dhalan. (To expel all foreigners, the non-Somalians from Somalia.)
3. In ay ku ekaadaan dhulkooda.
4. Waxa loogu deeqay khubaro ka soo jeeda Daalibaan oo kala talisa arrimaha dowladnimada.
Haddaba inaga, ka Somaliland ahaan, maxaa inaga yaal jawigan isbeddel ee cusub?