25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Khaatumo oo qaaday tallaabo la xiriirta shirka ka furmaya Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay arrimo ku aadan shirka golaha wadatashiga qaranka ee lagu casuumay, kaas oo la filayo inuu dhowaan ka dhaco gudaha magaalada Muqdisho.

Firdhiye oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Qaranka ayaa ka hadlay waxa ay uga dhigan tahay ka qayb-galka shirkan oo uu markiisii ugu horreysay imaanayo, isaga oo metalao dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo oo dhowaan maamul goboleed loo aqoonsaday.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in wax wayb uga dhigan tahay tagistiisa Muqdisho, wuxuuna carabka ku dhuftay inay tahay markii u horreysay oo uu shirka ka qayb-galayo mas’uul reer waqooyi ah, maadaama markii hore ay madasha ku ekeyd reer koonfur oo kaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shirka golaha wadatashiga qaran ay gayn doonaan taladooda iyo arrinta midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

“Horta madasha markii ugu horreysay ka qayb-galo oo reer waqooyi ah weeyaan qoladaan reer Koonfureed ayaa madashaan iska haysatay marka waxaan leenahay waa nimid, waxaana soo kordhin doonaa qaybihii kala duwanaa ee qaranka Soomaaliyeed oo badankood ay dhan yihiin” ayuu yiri madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waa taladii qaranka oo SSC ay bartanka u fadhiso, waxaanu soo kordhin doonaa midnimo, wadajir iyo Somalinimo”.

Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday dhabaha cusub ee ay qaadeyso SSC-Khaatumo, maadaama ay hadda ka baxeyso kumeel gaarnimada, wuxuuna xusay in dadka deegaanka ay soo dhisan doonaan maamulka xigga ee haatan lagu howlan yahay.

“Maamulkan kan ku xiga dadka deegaanka soo dhisan doono iyagaa dhistay maamulkii hore, kana iyagaa sameysan doono marka shirweyne ayaa la’isugu imaan dooaa, waxaana ergada ay ka doodi doonaan ansixinta dastuurka” ayuu mar kale yiri.

Isaga oo ka hadlayay arrinta gobolka  Sanaag, wuxuu yiri “Dadka ku dhaqan Sanaag waa dad aynu walaalo nahay isku mid ayaanu nahay, waxaan wadaagnaa ka hortagga khatarta gooni u goosadka Soomaaliya, waxaan wadaagnaa hadafka ilaalinta iyo dhowrista madax bannaanida dalka”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Ra’iisul wasaare Xamza uu booqasho taariikhi ah ku tegay Laascaanood, halkaas oo uu uga dhowaaqay aqoonka maamulka SSC-Khaatumo, kadibna Firdhiye u geeyay casuumadda shirka ka dhacaya Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News