Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale guul wayn kasoo hoysay Qaaradda Afrika, kadib dadaallo dheeraad ah oo ay sameysay, waxaana maanta ay la wareegtay hogaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika.
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa la wareegay hogaanka Madashan oo ah mid muhiim ah, kadib qabsoomidda shirka 24-aad ee madasha oo ay ku midaysan yihiin Wasiirada Maaliyadda dhowr dal oo ku yaalla Geeska Afrika.
Wasiirada ku mideysan Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika ayaa kala ah Somalia, Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Sudan iyo South Sudan.
Inta badan waxaa madasha diiradda lagu saaraa wadaaga mashaariicda horumarineed, waana madal loogu talagalay in ay isku xirto dalalka dhaca geeska qaaradda Afrika, doorkaas oo hadda hoggaamintiisa ay majaraha u qaban doonto dowladda federaalka.
Waxyaabaha illaa iyo hadda la hirgalinayo waxaa ugu muhiimsan waddooyinka isku xiraya dalalka geeska, si ganacsiga iyo dhaqaalaha uu u noqdo mid sahal meel walba ku gaaro.
Wasiir Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray kadib la wareegidda guddoonkq madasha ayaa ka hadlay waxa ay Soomaaliya uga dhigantay hoggaaminta Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika.
Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay door firfircoon ay ku lahayd aas aaskii madashaan, haddana ay hoggaamin doonto labada sano ee soo socota.
“Sharaf ayey inoo tahay in aan xilka guddoomiyaha Iskaashiga Dalal Geeska Afrika kala wareego wasiir Axmed Shide. Soomaaliya waxa ay xubin muhiim ah ka aheyd aas-aaskii madashan, hadana waxa ay sidoo kale hoggaamin doontaa 2-da sano ee soo socota, Is dhexgalka gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa ah mudnaan muhim u ah himiladeena” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir biixi Imaan Cige.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay Inta lagu guda jiro 2 sano ee soo socota, waxa aan ku dadaali doonaa si kor loogu qaado ganacsiga, maalgalinta kaabayaasha guud ahaan Geeska Afrika”.
Si kastaba ha’ahaatee, Hindisaha Iskaashiga Geeska Afrika waa barnaamij goboleed lagu horumarinayo isdhexgalka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo maalgelinta kaabayaasha dhaqalaaha. Soomaaliya oo kamid ah aasaasayaasha ururkani waxa ay xubin muuqdo ka tahay madashani lagu maalgalinayo dalalka geeska Afrika.
Soomaaliya ayaa horay guullo waa wayn uga soo hoysay Afrika iyo Caalamka, waxaana kamid ah ku biiristii Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee (EAC) iyo ku guuleysiga xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.


