25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Somaliland iyo Puntland oo maxaabiis is dhaafsaday iyo arrin cajiib ah oo dhacday

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamullada dariska ah ee Somaliland iyo Puntland ayaa maanta is waydaarsaday qaar kamid ah maxaabiistii ay ku kala qabsadeen dagaalladii horay uga dhacay aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Puntland ayaa sii deysay 15 maxbuus oo ay horay ugu qabatay dagaal 25 Agoos 2023-kii ka dhacay xerada Goojacadde, kuwaas oo diyaarad loo saaray magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Somaliland ayaa iyaduna soo fasaxday 11 maxbuus oo kasoo jeeda Puntland, kuwaas oo gacanta ugu jiray sanadkii lasoo dhaafay, waxayna soo deysmadooda ku timid heshiis maxaabiis is dhaafsi oo ay gaareen Hargeysa iyo Garoowe, isla markaana ku yimid dadaallo caalami ah oo la sameeyay.

Inta lagu guda jiray is dhaafsiga maxaabiista ayaa waxaa dhacday arrin kale oo cajiib ah oo ay sameysay Puntland, kadib markii ay maxaabiista ay sii deysay ugu labistay Suudad, ayada oo sidoo kale siisay sooryo kala duwan sida lacag, dhar iyo agabyo kale.

Dhankeeda Somaliland ayaa si maamuus leh usoo deysay maxaabiistii ay haysay, waxayna usoo xirtay Suudad, kadibna sidaas ayay kusoo saartay diyaarad gaar ah, iyada oo labada dhinac ay maxaabiista kula kala wareegeen garoonka mgaalada Hargeysa.

Maxaabiista ay is dhaafsadeen labada dhinac oo dagaallo lagu qatay ayaa haatan dib u helay xoriyaddooda, waxayna muddo kadib ay sidaas kula midoobeen ehelladooda

Horay waxaa sidoo kale, loo sii daayay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kadib safarkii uu Ra’iisul wasaare Xamza ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Maxaabiistaas oo ay SSC-Khaatumo haysay ayaa lagu soo wareejiyay Dowladda Federaalka, iyada oo la keenay Muqdisho, kadibna loo sii gudbiyay magaalada Hargeysa.

Arrintan ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, waxayna qayb ka qaadaneysa raadinta heshiiska nabadda, si loo soo afjaro colaadaha weli ka jira waqooyiga Soomaaliya.

Waa markii saddexaad oo Puntland iyo Somaliland ay maxaabiis la kala wareegeen, kuwaas oo dagaal lagu kala qabtay, kadib tobanaankii sanno ee lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli Somaliland u xiran Maxaabiis kale oo kasoo jeeda Sool, halka SSC ay dhankeeda hayso maxaabiis kale oo ay ku jiraan saraakiil, sida Faysal Cabdi Bootaan oo hoggaaminayay ciidamadii Somaliland ee aagga Laascaanood.

- Advertisement -

Read more

Local News