27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Trump oo soo saaray amar kale oo si weyn u saameynaya Soomaalida Mareykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar madaxweyne oo faraya in darawallada gawaarida xamuulka ee ganacsiga ay muujiyaan aqoon ku filan oo ku saabsan akhriska iyo ku hadalka luuqadda Ingiriisiga.

Tallaabadan ayaa meesha ka saaraysa siyaasad uu hirgeliyay Madaxweyne Obama, taasoo dabcinaysay fulinta qodobkan ee heerarka Federaalka. Go’aankan ayaa si gaar ah u saameyn doona darawallada muhaajiriinta ah, oo ay ku jiraan kumannaan Soomaali ah oo ka shaqeeya waaxda gaadiidka ee Waqooyiga Ameerika.

Amarka madaxweyne, oo loogu magac daray “Hirgelinta Xeerarka Macquulka ah ee Waddooyinka loogu talagalay Darawallada Mareykanka,” ayaa darawallada ku waajibinaya inay awood u yeeshaan akhrinta calaamadaha waddooyinka, inay si fiican ula xiriiraan saraakiisha amniga iyo kuwa xuduudaha, isla markaana ay raacaan tilmaamaha macaamiisha, iyagoo adeegsanaya luuqadda Ingiriisiga.

Xoghayaha Gaadiidka Sean Duffy ayaa loo xil-saaray inuu dib u soo celiyo sharciga federaalka ee loo yaqaan 49 CFR 391.11(b)(2), kaas oo dhigaya in aqoonta Ingiriisigu ay tahay shuruud muhiim ah oo laga doonayo darawallada gaadiidka ganacsiga. Mas’uuliyiinta Aqalka Cad ayaa sheegay in sharcigan uu dabacsanaa intii lagu jiray maamulka Obama.

“Sharciga federaalku waa cad yahay: darawalka aan awood u lahayn inuu si fiican u akhriyo ama ugu hadlo Ingiriisiga—una fahmo calaamadaha waddooyinka—ma laha awood uu ku wado gaari ganacsi gudaha Mareykanka,” ayuu yiri Sean Duffy, Xoghayaha Gaadiidka.

Hay’adda Federaalka ee Badqabka Gaadiidka Ganacsiga (FMCSA) ayaa loo xil saaray inay dib u cusbooneysiiso habraaca kormeerka, isla markaana soo celiso siyaasadda u oggolaanaysa kormeerayaasha inay shaqada ka joojiyaan darawallada aan buuxin karin shuruudahan.

Xogta warshadaha ayaa muujinaysa in ka hor dabacaadii 2016, sanadkii la diiwaangelin jiray in ka badan 80,000 oo xadgudub luuqadeed ah, taasoo hoos ugu dhacday wax ka yar 10,000 intii u dhaxaysay 2021 ilaa 2024.

Tallaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar ka mid ah kooxaha ganacsiga Mareykanka, sida Ururka Darawallada Madaxa-bannaan (OOIDA), oo sheegay in amarku dib u soo celinayo “heerarka caqliga ku dhisan ee badqabka.”

“Tani waa wax caqli-gal ah,” ayay tiri afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt. “Waxaa jira caqabado waaweyn oo xagga isgaarsiinta ah oo ka dhexeeya darawallada gawaarida xamuulka iyo saraakiisha badqabka bulshada, taasoo khatar dhab ah ku ah waddooyinka.”

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha xuquuqda madaniga ah iyo kuwa muhaajiriinta ayaa ka digay in amarkani uu noqon karo mid shaqo la’aan ku keena dad badan. Waxaa dadka sida gaarka ah u saameyn doono ka mid ah darawallada Soomaalida ah, oo qayb muhiim ah ka noqday gaadiidka safarrada fog-fog ee Waqooyiga Ameerika.

“Kaliya Soomaalida ma aha—waxaa sidoo kale uu saameyn doonaa darawallada ka soo jeeda Aasiya iyo Laatiin Ameerika,” ayuu yiri Cilmi Maxamed Mubaarig, oo hore darawal u ahaan jiray haddana ah suxufi. “Qaar kamid ah darawallada Soomaalida kuma hadlaan Ingiriisi fiican balse waxay si nabadgelyo ah gawaarida u wadayeen muddo sanado badan ah. Hadda waxaa laga doonayaa inay maraan imtixaan luuqadeed.”

Sanadihii u dambeeyay, Soomaalidu waxay si weyn ugu biireen shaqada darawalnimada, iyagoo soo jiitay dabacsanaanta shaqada, madaxbannaanida, iyo xiriirka dhaqanka soo jireenka ah ee reer-guuraaga.

Ayadoo dhaqan ahaan loo yaqaan “roob raac,” Soomaalidu waxay markii hore u guuri jireen si xilliyeed, iyadoo lagu raadinayo daaq iyo biyo. Maanta, qaar badan ayaa ku socda jidadka waaweyn ee Waqooyiga Ameerika, iyagoo xamuul u qaadaya halkii ay xoolaha ka qaadi jireen.

Baraha bulshada sida Clubhouse iyo TikTok ayaa noqday goobo ay ku kulmaan darawallada Soomaalida, kuwaas oo wadaaga talooyinka safarka iyo madadaalo dhaqameedka, iyagoo dib u soo noolaynaya noloshii wadajirka ahayd ee Soomaaliya ka jirtay, haatanna ku wada sheekaysanaya gudaha gawaarida waaweyn.

Ururka Sikh Coalition, oo matalaya bulsho kale oo ballaaran oo muhaajiriin ah oo ka shaqeeya gaadiidka, ayaa ka digay in siyaasaddan cusub ay takooreyso dadka aan Ingiriisku afka hooyo u ahayn, isla markaana ay sii xumayn karto yaraanta shaqaalaha ee qaybtan oo markii horeba dhibaato ka taagnayd.

“Ku dhawaad 90 boqolkiiba dadka Sikh ah ee tiradoodu tahay 150,000 ee ka shaqeeya gaadiidka Mareykanka waa darawallo,” ayuu ururku ku sheegay bayaan uu soo saaray. “Waxay door muhiim ah ka qaataan isku xirka sahayda iyo gaarsiinta badeecadaha bulshada. Amarkani wuxuu halis gelinayaa in qaar badan shaqada laga saaro.”

Amarkan ayaa noqonaya kii labaad ee luuqadda la xiriira ee Trump uu saxiixo tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay bishii Janaayo. Bishii Maarso, wuxuu saxiixay amar kale oo Ingiriisiga si rasmi ah uga dhigaya luuqadda rasmiga ah ee Mareykanka.

 

- Advertisement -

Read more

Local News