27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Al-Shabaab oo dishay shan Kenyan ah oo ka shaqeynayey…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Mandera (Caasimada Online) – Shan shaqaale Kenyan ah oo ka shaqeynayay goob qodista dhagaxa ayaa lagu dilay waaberigii Talaadada weerar argagixiso oo looga shakisan yahay Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay tuulada Bur Abor ee Mandera East.

Weerarka ayaa dhacay abaara 7:00 subaxnimo, iyadoo markhaatiyaal iyo baaritaanno hordhac ah ay tilmaamayaan in dambiilayaasha ay ahaayeen maleeshiyaad la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Dadka la dilay, oo ka shaqeynayay goob qodista dhagaxa, ayaa si toos ah loo beegsaday, iyadoo mas’uuliyiinta deegaanka ay ku tilmaameen dhacdadan “musiibo amni oo naxdin leh.”

Dilalkaas ayaa cabsi iyo walaac baahsan ku abuuray bulshada deegaanka, iyadoo laamaha ammaanka ay si degdeg ah u gaareen goobta si ay u bilaabaan baaritaan rasmi ah.

“Magacyada dadka la dilay wali waa la xaqiijinayaa,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Casiis Rooble, Maamulaha Tuulada Bur Abor, isagoo la hadlay warbaahinta. “Dadaallo ayaa socda si qoysaskooda iyo deegaannadii ay kasoo jeedeen loo wargeliyo.”

Ciidamada ammaanka ayaa durba la geeyay goobta weerarka, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo duruufaha dhabta ah iyo sababta ka dambeysay weerarka.

In kasta oo aan wali koox sheegan mas’uuliyadda weerarka, haddana saraakiisha ammaanka waxay si xooggan ugu tuhunsan yihiin kooxda Al-Shabaab ee saldhiggeedu yahay gudaha Soomaaliya, kuwaasoo weerarro la mid ah hore uga gaystay gobolka.

Maamulka tuulada oo kaashanaya booliiska deegaanka ayaa bilaabay tallaabooyin dheeraad ah oo lagu adkeynayo ammaanka si loo ilaaliyo shacabka iyo dadka safarka ah.

Rooble ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka deegaanka inay feejignaadaan, isla markaana ay laamaha ammaanka ku wargeliyaan wax kasta oo dhaq-dhaqaaq laga shakiyo.

“Tani waa dhacdo aad u naxdin leh. Waxaan si dhow ula shaqeyneynaa hay’adaha ammaanka si aan cadaaladda u helno una soo celinno kalsoonida iyo nabadda deegaanka,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Rooble.

- Advertisement -

Read more

Local News