26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Wasaarad ka tirsan Puntland oo wajahaysa dhaqaale xumo aad u baahsan

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garoowe lagu soo gaba-gabeeyay shir muhiim ah oo lagu falanqeeyay xaaladda waxbarashada Puntland, gaar ahaan caqabadaha dhaqaale ee haysta nidaamka waxbarasho.

Shirkan ayaa si qoto dheer diiradda u saaray baahida loo qabo in wax laga beddelo hannaanka maalgelinta, si wax looga qabto dib-u-dhaca muuqda ee haysta waxbarashada, taasoo sabab u ah dhaqaale la’aanta baahsan ee la wajahayo.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo bah-wadaagta kala shaqeeya horumarinta waxbarashada ayaa ku heshiiyay in la hirgeliyo Sanduuqa Horumarinta Waxbarashada, kaasoo lagu doonayo in lagu taageero horumarinta adeegyada waxbarasho ee hadda wajahaya caqabado dhaqaale.

Inkasta oo uu jiro heshiiskaas, haddana mas’uuliyiinta shirka kama aysan caddeyn cidda bixin doonta dhaqaalaha lagu shubi doono sanduuqa cusub, iyo sida loo xaqiijin doono in maalgelintaasi gaarto meelaha ugu habboon. Tani waxay keentay in su’aalo badan la iska weydiiyo suurtagalnimada hirgelinta sanduuqa iyo waxtarkiisa mustaqbalka dhow.

Warbixinta kasoo baxday shirka ayaa sidoo kale muujisay baahida loo qabo in si gaar ah loo horumariyo dugsiyada sare ee farsamada gacanta, kuwaasoo muhiim u ah dhismaha xirfadlayaal iyo in dhalinyarada lagu haggo suuqyada shaqada. Waxay ahayd arrin si weyn uga doodeen dhammaan ka-qaybgalayaashu.

Dhinaca kale, shirku wuxuu xusay muhiimadda waxbarashada dadka waaweyn iyo xarumaha xirfadaha sida koronto, dhisme, iyo farsamooyin kale, iyadoo la isla gartay in kor loo qaado waxbarashada xirfadeed maadaama ay tahay dariiqa ugu dhow ee looga hortagi karo tahriibka iyo rajo-beelka dhalinyarada.

Gaba-gabadii, shirkan ayaa iftiimiyay baahida degdegga ah ee loo qabo dib-u-habeyn dhaqaale iyo mid nidaam ah, si loo xoojiyo adeegyada waxbarashada Puntland oo haatan wajahaya dib-u-dhac ballaaran.

- Advertisement -

Read more

Local News