31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Xasan oo qorsheynaya isbeddelo hor leh oo lagu sameynayo xubnaha DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dardar gelinaya isbeddel ballaaran oo lagu sameynayo xubnaha ugu dhow ee xafiiskiisa, maalmo un kadib markii la isku beddelay qaar ka mid ah wasiirada sare ee dowladda.

27-kii April, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu shaqada ka eryay Wasiirkii Gaashaandhigga Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi — oo xafiiska hayay muddo labo bilood ka yar — wuxuuna beddelay Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Macallin Fiqi.

Isbeddelladaas ayaa la filayaa inay sii socdaan horraanta bisha Maajo, iyadoo xoguhu tilmaamayaan in Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Abshir Maxamed Axmed oo loo yaqaan “Bukhaari,” isna laga yaabo in xilka laga qaado.

Bukhaari, oo horey u soo noqday Senatar iyo maareeyihii ololaha doorashada guuleysatay ee Xasan Sheekh 2022, ayaa ahaa mid aad ugu dhow madaxweynaha. Wuxuu taageere u ahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ilaa 2017, markaasoo uu ku biiray garabka Xasan Sheekh.

Bilihii u dambeeyay, saameynta Bukhaari ee Villa Somalia ayaa si weyn u yaraanaysay, waxaana booskaas billaabay inay buuxiso Hinda Culusow — madaxda habmaamuuska iyo eedada madaxweynaha, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Weli si rasmi ah loo cayimin cidda laga yaabo in lagu beddelo Bukhaari.

Isbeddelladani waxay ku soo beegmayaan iyadoo guuldarrooyin milatari laga soo sheegayay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Odowaa Yuusuf Raage, ayaa wajahaya cadaadis la xiriira in xilka laga qaado.

Sidoo kale, waxaa su’aal la gelinayaa sii joogitaanka agaasimaha hay’adda sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe.” Madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa inuu ka fiirsanayo in xilkaas uu u celiyo Mahad Maxamed Salaad, agaasimihii hore ee la eryay Agoosto 2024.

Isku shaandheyn daba-dheeraatay

Isku beddelka joogtada ah ee hoggaanka wasaaradda gaashaandhigga — oo saddex wasiir kala duwan soo martay laba bilood gudahood — ayaa muujinaya cadaadiska siyaasadeed ee gudaha iyo kan dibedda, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh lagu cadaadinayo inuu dib u habeeyo nidaamka difaaca dalka.

Halka wasiiradii hore lagu eedeeyay maamul xumo iyo lunsasho hanti dadweyne, wasiir cusub Fiqi ayaa laga walaacsan yahay khibrad la’aantiisa ciidan. In kasta oo uu mucaarad ku ahaa Xasan Sheekh intii lagu jiray muddadiisii hore (2012–2017), haddana wuxuu noqday saaxiib dhow oo muhiim u ah maamulka hadda jira.

Madaxweynuhu weli wuxuu ku tiirsan yahay laba siyaasi oo miisaan ku leh beelaha Digil iyo Mirifle. Ra’iisul Wasaare ku xigeenkiisa labaad, Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaaay, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda, halka xilkiisii hore loo wareejiyay wasiirkii hore ee gaashaandhigga, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi — oo ah saaxiib dhow la ah qoyska madaxweynaha. 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News