Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa maanta magaalada Muqdisho keenay laba eedeysane oo lagu soo qabtay howlgal amni oo laga fuliyay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud.
Labada eedeysane oo lagu kala magacaabo Cabdi Maxamed Axmed iyo Daahir Tahliil Cigaal ayaa la sheegay in xilligii la qabanayay ay wateen laba qori oo nooca AK-47 ah, kuwaas oo ay hay’addu sheegtay inay ahaayeen hub sharci-darro ah.
Howl-galkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay NISA ku xoojineyso sugidda amniga iyo la dagaallanka hubka sharci-darrada ah ee lagu dhex qaato bulshada, kaas oo mararka qaar sababa colaado iyo falal amni-darro.
Sidoo kale, howl-galka ayaa daba socdo go’aannadii uu Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad kaga dhawaaqay gogoshii nabadeed ee dhowaan lagu qabtay degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.
Go’aannadaas ayaa lagu adkeeyay in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo hub sharci-darro ah ku dhex qaadata bulshada ama ku lug yeelata falal hurinaya colaadaha iyo qalalaasaha amni.
Hay’addu waxay sheegtay in labada eedeysane loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh, si loo mariyo habraacyada sharciga ee u degsan dalka loogana qaado tallaabooyinka ku habboon.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay sii laba jibbaari doonto howlgalada lagu sugayo amniga, lagu xasilinayo deegaannada, laguna ciribtirayo hubka sharci-darrada ah iyo falalka hurinaya colaadaha, si loo xoojiyo nabadda, wada noolaanshaha iyo kala dambeynta bulshada.

