Baydhabo (Caasimada Online) – Munaasabadda caleemo-saarka hoggaamiyaha cusub ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si heer sare h uga dhacday magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabadda caleemo-saarka ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed, isagoo bogaadiyey qabsoomidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee horseeday doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacday degmooyinka maamulkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey in iskaashiga Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu uu saldhig u yahay xasilloonida, amniga iyo horumarka dalka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in doorashooyinkii nabdoonaa ee taariikhiga ahaa ee ka qabsoomay deegaannada Koonfur Galbeed ay astaan u yihiin jihada cusub ee Soomaaliya u qaaday dhanka dimuqraadiyadda, xasilloonida iyo dowlad-dhiska.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dalku uu ka gudbay xilligii ay doorashooyinku ku koobnaayeen dano gaar ah iyo siyaasado shaqsi ku salaysan.
Munaasabadda caleemo-saarka waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaasha qaar ka mid dowlad-goboleedyada dalka, danjireyaal, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Si kastaba, ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah iyo bannaanka magaalada, si ay uga hortagaa isku day kasta oo lagu carqaladeyn karo calemo-saarka Aadan Madoobe.
Waxaa kale oo banaanka magaalada duqeymo ka fuliyay maanta diyaaradaha dagaalka F-16 ee dowladda Turkiga, kuwaas oo xoojinayay amniga, si looga hortago isku-day kasta oo lagu qalqalgelin karo munaasabadda iyo amniga madaxda sare ee qaranka.






















