25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xasan Sheekh iyo madax-goboleedyada oo gaaraya go’aan culus oo lagu dhisayo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka oo uu haatan shir uga socdo magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maanta ay ku dhowaaqaan dhismaha hal xisbi wayn oo ay ku mideysan yihiin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xisbiga la dhisayo ayaa ah midka UPD ee madaxweynaha, kaas oo dib boorka looga jafayo, waxaana laga beddalay magacii iyada oo loo bixiyay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Dekedaha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kooban soo saaray ayaa xaqiijiyay in maanta xisbigan lagu dhowaaqayo, isaga oo sheegay inuu noqonayo xisbiga ugu wayn ee laga hirgeliyo dalka.

Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan oo muddo soo socday maanta laga dhabeynayo, isla markaana madaxda Soomaaliyeed ee talada haya ay go’aan ku gaareen inay sameystaan hal xisbi, maadaama la aadayo doorashooyin qof iyo cod ah.

“Dalka wuxuu yeelanayaa Xisbi weyn ilaahaa weyne oo ay Soomali ku dhantahay Sidoo kale kaftan ahayn sidii kuwii hore inta Shacabka loo sheegey hadana runoowi waayey” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in tani ay muujineyso in laga gudbay doorashadii dadbaneyd, isla-markaana la aaday doorashooyin toos ah oo awooddda dib loogu celinayo shacabka.

“Waa taariikh ugub ah in Xisbiga talada haya wuxuu balan qaadey ka run sheegaayo oo hadana fulintiisa u diyaar ah. Doorasho dadban waa la duugey’. ayuu sii raaciyay.

Sida qorshuhu yahay waxaa xisbigan kasoo muuqan doono madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo SSC-Khaatumo oo haatan goobjoog ah shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo galay maalintiisii labaad oo xiriir ah.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah, inkastoo la’isku khilaafsan yahay, waxaana bannaanka ka jooga mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News