Muqdisho (Caasimada Online) – Roobab xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sababay daadad geystay khasaare naf iyo maalba leh.
Daadadka ayaa si gaar ah u saameeyay xaafado badan oo magaalada ka tirsan, iyadoo dad shacab ah ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Magaalada Muqdisho ayaa sanad walba wajahda dhibaatooyin la xiriira daadadka roobka, waxaana mar kasta dib u soo noqnoqda biyo fadhiisiga waddooyinka iyo xaafadaha. Arrintan ayaa dhalisay baaqyo lagu dalbanayo in si dhab ah dib loogu eego qaabka dhisme ee magaalada.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay is beddeshay qaab dhismeedkeedii hore, taasoo sababtay in biyaha aanay helin meel ay maraan. Wuxuu xusay in guddiga uu Ra’iisul Wasaare Xamse u xil saaray mashaqada uu hadda wadahadal la leeyahay hay’adaha ku shaqada leh.
Wuxuu si gaar ah u tilmaamay in mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keena biyo fadhiisiga ay tahay dhismaha badan ee lagu sameeyay laamiyada iyo waddooyinka yaryar ee loo yaqaan interlocks, kuwaasoo ka hor istaagay biyaha in ay si dabiici ah u dhuuntaan.
“Magaaladii waxaa qarsoomay ciida biyaha laqi laheyd, sababtoo ah waxaa ku batey laamiyada iyo interlock-yada,” ayuu yiri Jibriil Cabdirashiid, isagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo qorsheynta magaalada si cilmi ku saleysan.
Dhanka kale, Duqa Muqdisho ayaa dhowr jeer sheegay in ajandayaashiisa ugu horreeya ay ka mid tahay dib u habeynta qaab dhismeedka magaalada iyo xoojinta nadaafadda si loo yareeyo saameynta roobabka iyo daadadka, balse taasi illaa hadda ma muuqato.