Nairobi (Caasimada Online) – Shir muhiim ah oo u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaas oo lagu qiimeyo Soomaaliya iyo dhaqaalaheeda.
Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa maalgelin ku saabsan horumarinta ilaha wax soo saarka Soomaaliya.
Waxaa goobjoog ah shirka wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige iyo xubno kala duwan oo ka kooban xafiisyada madaxweynaha, ra’iisul Wasaaraha, wasaaradaha iyo hay’adaha kala ah maaliyadda, qorsheynta, batroolka, Bangiga Dhexe, hay’adda warbixinnada maaliyadda, hay’adda istaatistikada Qaranka iyo xafiiiska xisaabiyaha guud.
Sidoo kale shirkan ayaa waxaa intiisa lagu qiimeyn doonaan wixii u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya, tan iyo markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, wuxuuna socon doonaan muddo 4 cisho oo xiriir ah.
Waxaa kale oo la eegi doonaan qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgelin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.
Wasiir Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa faah-faahin dheeeri ah ka bixiyay dadaalka dowladda ee ku aadan dib-u-habeynta maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay hadda ku socdaan hannaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.
Biixi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay guullo waa wayn ka gaartay horumarinta maaliyadda, isla markaana la xaqiijiyay natiijo wax ku ool ah.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dayn cafinta kadib ay Soomaaliya u furantay dhabo cusub, ayna sugayaan in dalka uu ku tallaabsado maalgashiyo waawayn oo caalami ah, kaas oo ay ka faa’iidsan doonaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay xaqiijiSay guullo waawayn, sida in laga cafiyay dayntii lagu lahaa, ka qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd, ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika iyo helista kursiga aan joogtada ahayn ee QM.