Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo dhinaca cirka ah, ujeedkiisuna ahaa burburinta koox ka tirsan Khawaarijta Daacish ay mar kale ka fulisay gobolka Bari ee Puntland.
War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay dowladdu la kaashatay fulinta howlgalkaas oo lagu beegsaday dhaqdhaqaaqyada kooxda.
Duqeyntan ayaa ka dhacday meel qiyaastii 70 KM koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Qoraalka dowladda waxaa lagu sheegay in howlgalku uu weli socdo, isla markaana la uruurinayo macluumaadka ku saabsan khasaaraha gaaray cadowga.
Sidoo kale, waxaa weli socda dhameystirka hadafka guud ee howlgalka, kaasi oo ah taageeridda hawlgallada Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku howlan ciribtirka Khawaarijta Daacish.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa iskaashiga dhow ee ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Dowladda Mareykanka, si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida, iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee khatar ku ah dalka iyo gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda.
Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer ooh ore sheegtay in Mareykanka ay la kaashatay fulinta howlgallo duqeymo ah oo ka dhacay buuraha Calmiskaad ee Puntland, halkaas oo ciidamada Puntland ay ka wadaan howlgal culus.
Puntland ayaa dhankeeda dafirtay kaalinta dowladda federaalka, waxayna sheegteen dhowr jeer in fulinta duqeymaha Mareykanka ay iyagu codsadeen oo dowladda federaalka aysan wax kaalin ah ku laheyn.