Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho si rasmi ah loogu dhawaaqo Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, kaas oo ay ku mideysan yihiin xubno sare oo ka tirsan hoggaanka siyaasadda dalka.
Munaasabadda shaacinta xisbigan oo qorshuhu ahaa inay qabsoomto Arbacadii, ayaa dib u dhacday, waxaana haatan lasoo warinayaa in isfaham laga gaaray sababihii dib u dhaca keenay.
Munaasabadda lagu dhawaaqayo xisbiga ayaa la filayaa inay noqoto mid heer sare ah, waxaana kasoo qeyb-galaya madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, uu ka mid noqon doono madaxda goob joog ka noqon doonta munaasabadda. Ka qeybgalka Laftagareen ayaa loo arkaa mid muhiimad gaar ah u leh xisbiga, maadaama uu dhawaan ka biyo diiday hab qeybsiga hoggaanka xisbiga.
Lafta-gareen ayaa doonayay in la siiyo mid ka mid ah saddexda awoodood ee ugu sareeya xisbiga, taasi oo sababtay in dib loo dhigo shaacintii xisbiga, si xal looga gaaro tabashadiisa.
Sida muuqatana, Madaxweyne Xasan Sheekh oo dareensan miisaanka ay yeelan karto hadii uu lumiyo Lafta-gareen ayaa ku guuleystay qancintiisa. Lafta-gareen ayey u badan tahay in loo yeelay sidii uu rabay, si Xasan Sheekh uusan u lumin isbaheysi xooggan oo la kiciya xisbiga.
Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday diyaarinta munaasabaddan, iyadoo markii hore lagu balansanaa in Arbacadii hore lagu dhawaaqo, balse sababo jira awgood dib loo dhigay. Si kastaba ha ahaatee, maanta ayaa si rasmi ah la filayaa in xisbiga loo soo bandhigo shacabka Soomaaliyeed.