Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah la yeeshay ku simaha wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Kareem Adebay, kaas oo maanta ugu tegay xafiiskiisa.
Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo doorka Midowga Afrika uga aaddan amniga iyo xasillinta dalka.
Ugu horreyn Ra’iisul wasaare Xamza oo ka hadlay kulanka ayaa ugu hambalyeeyay Mr. Kareem magacaabistiisa Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay ku guuleysiga xilka loo igamaday.
Sidoo kale waxa uu muujiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qadarinayso iskaashiga taariikhiga ah ee kala dhexeeya Midowga Afrika iyo kaalinta Midowga Afrika uu kaga jiro taageerada geeddi-socodka nabadda, xasilloonida iyo dib-u-dhiska dowladnimada.
Dhankiisa, ku simaha wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta diiran, wuxuuna ballanqaaday in wadashaqeyn dhow uu la yeelan doono hey’adaha dowladda Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu ku celiyay sida Midowga Afrika ay uga go’an tahay taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u gaarto himiladeeda.
Kulankan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana uu xaalad dhaqaale wajahayo howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, taas oo khatar galineyso sii jiritaanka howlgalka.
Sida laga warqabo, howlgalka AUSSOM wuxuu beddel u yahay howlgalka ATMIS, kaas oo la filayo in si rasmi ah loo dhammeeyo kahor 30-ka June. Si kastaba, tirada ciidamada AUSSOM ayaa la kordhiyay, balse weli waxaa jira caqabado la xiriira maalgelinta oo hor taagan hirgelinta qorshahaasi.
Qaraar uu horay u meel-mariyay Golaha Ammaanka oo tirsigiisu yahay 2767 ayaa dhigaya in la sameeyo saddex ikhtiyaar oo lagu maalgelin karo AUSSOM, kuwaas oo midkood yahay in mas’uuliyadda la wadaago si istiraatijiyadeysan oo u dhexeysa Midowga Afrika iyo QM.