26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Jubaland oo dowladda ku eedeysay ‘afduub maanta ka dhacay’ gobolka GEDO

Bookmark
Bookmarked

Share

Garbahaarey (Caasimada Online) – War-saxaafadeed goordhow kasoo baxay Jubaland ayaa waxaa looga hadlay ‘fal afduub ah oo maanta ka dhacay’ degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, kaas oo oo sare u qaaday xiisadda maamulkan kala dhexeyso Dowladda Federaalka.

Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamo ka amar qaata dowladda dhexe ay maanta degmada Garbahaarey ka afduubteen Axmed Xuseen Jaamac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ee degmadaasi, kaas oo ay sheegtay in lagala baxay gurigiisa.

“Axmed Xuseen Jaamac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ayay gordhow Ciidamo ka Amar qaata Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ka afduubteen gurigiisa oo ku yaalo degmada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Sidoo kale waxay Jubaland intaasi kusii dartay in falkan uu qayb ka yahay caburin ay sheegtay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan ay ka hayso shacabka Gedo.

Qoraalka ayaa sidoo kale lasii raaciyay in ujeedka uu yahay burburitra maamulka iyo in meesha laga saaro kala dambeynta shacabka gobolka Gedo.

“Shacabka Gobolka Gedo ayaa haatan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa kala kulmaya Caburin iyo Afduub si meesha looga saaro amniga iyo kala dambeynta ka jirtay deegaanada Gobolka Gedo” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Eedeyntan culus ee ka timid Jubaland ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay Dowladda Soomaaliya ay muddo bilooyin ah kadib fasaxday diyaaradihii tagi jiray gobolka Gedo.

Xiisadda labada dhinac ayaa haatan u muuqata inay dib usoo laba kacleysay, waxaana huriyay bayaankii kasoo baxay shirkii u dambeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu sheegay in loo baahan yahay in sharci loo wajaho xaaladda maamulka Jubbaland.

Xaaladda Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

Si kastaba, labada dhinac oo horay u dagaalamay ayaa hadda mar kale is wajihi doono, waxaana arrintan ay kusoo aadeysaa, xilli dalka uu ku jiro marxalad adag oo xasaasi ah.

- Advertisement -

Read more

Local News