25.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Sawirro: Xasan Sheekh oo soo arkay dhaawacyada macawiisleyda Xawaadle

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Isbitaalka Demartino ee magaalada Muqdisho ku booqday Ciidamada Macawisleyda gobolka Hiiraan ee ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka ka socda gobolkaas ee lagu jebiyey argagixisada.

Madaxweynaha oo u kuurgalay xaaladda caafimaad ee ciidamadaan geesiyaasha ah ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada, isagoo ka wareystay xaaladooda iyo baahiyaha caafimaad ee ay qabaan.

Madaxweyne Xasan ayaa balan-qaaday in Dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad ee geesiyaashaan ku soo dhaawacmay jihaad.

Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay in dowladdu bixiso dhammaan taageerada ay u baahan yihiin dadka reer Hiiraan ee dagaalka adag kula jira argagixisada.

“Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, dalka iyo dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen, dowladda Soomaaliyeed mar walba way idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaas kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Demartino oo lagu dabiibayo dhaawacyada ugu badan ee ciidankii laga keenay Hiiraan iyo bukaano kale oo horay u yaallay.

Madaxweynaha ayaa kormeer kadib warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalka oo soo bandhigay adeegyada dadwayne ee uu Isbitaalku hadda bixiyo, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan mustaqbalka.

Madaxwaynaha waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar.

- Advertisement -

Read more

Local News