26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Jubaland oo shaacisay in ay ka tashaneyso Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubaland, Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, ayaa si adag u dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) kadib markii uu salaadda Ciidul Adxaa kula tukaday mas’uuliyiin iyo dadweyne kala duwan Masaajidka Madaxtooyada ee Kismaayo.

Khudbaddiisa ciidda, Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu weerar ku qaaday waxa uu ku tilmaamay faragelin joogto ah oo ka imaanaysa dowladda dhexe iyo siyaasiyiin la safan, taas oo uu sheegay inay si gaar ah u saameyneyso gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubaland.

Wuxuu sheegay in falalkaasi yihiin kuwo liddi ku ah nidaamka dowlad-goboleedyada, ayna wiiqayaan kalsoonida shacabka iyo maamulka Jubaland.

“Dad baa raba inay dib u bilaabaan sheekooyinkii hore – anaa layga qabsaday, anaa qabsanaya, anigaa reer hebel ah. Laakiin annaga nidaam iyo kala dambayn ayaan leenahay. Aan u hiilino maamulkeena. Kuwa raba inay nagu celiyaan wixii hore loo soo maray, waa riyoodeen,” ayuu yiri Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

Wuxuu intaa ku daray in dulqaadkii shacabka Jubaland uu gabaabsi ku dhow yahay, islamarkaana ay dib u eegayaan doorkooda siyaasadeed ee dalka.

“Waa tashanaynaa. Kuwa damaca lehna waxaan leenahay samirkii waa naga dhammaaday. Jubaland waxaad ka damacdeenna, Alle ayaa diidey,” ayuu mar kale yiri.

Khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay, kadib doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe mar saddexaad, oo dowladda dhexe ay ku tilmaamtay sharci-darro.

Jubaland waxay si cad u sheegtay in dowladda dhexe ay si siyaasadaysan u adeegsanayso maamulkeeda, iyadoo laga mamnuucay adeegyada muhiimka ah, duulimaadyada, iyo kaalmada horumarineed, taasoo ay ku tilmaantay cadaadis siyaasadeed.

Dhanka kale, Jubaland ayaa dhowr jeer ku hanjabtay in ay si toos ah ula macaamili doonto beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka, iyadoo ka madax-bannaan dowladda federaalka, si ay u horumariso nabadda iyo adeegyada bulshada ee gobolka.

 

- Advertisement -

Read more

Local News