Minneapolis (Caasimada Online) – Ka dib ku dhowaad hal maalin oo dood ah, xeerbeegtida maxkamadda degmada Hennepin ayaa JImcihii ku heshay dambi nin deggen magaalada Brooklyn Park oo mas’uul ka ahaa shil baabuur oo sababay geerida shan gabdhood oo da’ yar oo Soomaali ahaa xilli ay ku safrayeen waddada Lake Street ee magaalada Minneapolis.
Guddiga xeerbeegtida ayaa Derrick Thompson ku helay dambiyada dhammaan 15-kii eedayn ee dacwad-oogeyaasha degmada Hennepin ku soo oogeen: 10 dacwadood oo ah dil baabuur uu sababay iyo 5 dacwadood oo ah dil darajo saddexaad ah.
Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in Thompson, oo 29 jir ah, uu 16-kii Juun 2023 ka kireystay gaari nooca Cadillac Escalade ah garoonka diyaaradaha Twin Cities, kaasoo uu si xawaare sare ah ugu waday jihada woqooyi ee waddada Interstate 35W, ka hor inta uusan kasoo degin isgoyska Lake Street.
Wuxuu si degdeg ah uga gudbay nal cagaaran oo ku yaallay 31st Street — isgoyska ugu horreeya ee la gaaro marka la soo degto — balse wuxuu si toos ah u dhaafay nal casaan ah oo ku yaallay Lake Street, isagoo baabuurka culus ee saddex tan ah ku dhuftay dhinaca darawalka ee gaari nooca Honda Civic ah, taasoo sababtay dhimashada dhammaan dadkii saarnaa.
Sahra Gesaade, 20 jir, oo waday gaariga, ayaa isla goobta ku dhimatay. Waxaa la socday Salma Abdikadir, 20 jir; Sagal Hersi, 19 jir; Siham Odhowa, 19 jir; iyo Sabiriin Ali, 17 jir. Shanta gabdhood waxay ku sugnaayeen Lake Street iyagoo dukaameysanayay una socday in loo mariyo cilaan habeenka ka horreeya aroos ay saaxiibtood galaysay.
Thompson wuxuu ku socday 116 mayl saacaddii
Intii ay socotay maxkamadda, dacwad-oogeyaashu waxay soo bandhigeen muuqaal ay duubeen kaamirooyinka taraafikada oo muujinayay Thompson oo si xad dhaaf ah xawaare ugu maraya waddada weyn, isagoo si khatar ah uga dhex baxay baabuur kale oo marayay meelaha laga baxo waddada, ka hor intii uusan ku dhicin Honda-da.
Isniintii, Sarkaalka Booliska Gobolka Minnesota, Sgt. Kristofer Geiger, oo ah khabiir dib u dhiska shilalka, ayaa maxkamadda ka sheegay in Thompson aanu muujin wax dadaal ah oo uu ku yareynayo xawaaraha xitaa markii uu galay waddooyinka magaalada, halkaasoo xadka xawaaruhu yahay kaliya 20 mayl saacaddii.
Markii uu su’aalo ka helay xeer-ilaalinta, Geiger wuxuu sheegay in gaariga Escalade-ku uu ku socday 116 mayl saacaddii ilaa 8 ilbiriqsi ka hor intii uusan ku dhicin gaariga Honda Civic-ga.
Sidoo kale wuxuu xusay in xogta laga helay qalabka xusuusta baabuurka ay muujisay in uu riixayey sheelaraha baabuurka illaa 91% — taasi oo ah ku dhowaad heerka ugu sarreeya ee 100% — 3.5 ilbiriqsi ka hor shilka, halka Thompson uu bareegga riixay kaliya hal ilbiriqsi ka hor Shilka, taasi oo aanu ku filneyn in gaarigu istaago.
Geiger wuxuu qiyaasay in Escalade-ku uu markaas ku socday inta u dhaxeysa 77 ilaa 84 mayl saacaddii, wuxuuna sheegay in tani ahayd mid ka mid ah shilalkii ugu xumaa ee uu baaray muddadiisa shaqo.
“Dhaawacyada culus ee gaaray qeybaha dhexe ee jirka dadka waxay adkeysay in si cad loo ogaado tirada saxda ah ee dadkii gaariga saarnaa,” ayuu yiri Geiger.
Walaalkiis ayaa markhaati furay
Qareenka difaaca, Tyler Bliss, wuxuu sheegay in walaalka Derrick, Damarco Thompson, uu waday gaariga xilliga shilku dhacayay.
Hase yeeshee, si lama filaan ah, Arbacadii, dacwad-oogeyaasha ayaa u yeeray Damarco iyagoo codsaday in Garsoore Carolina Lamas ku amarto inuu markhaati furo. Maaddaama markhaatiga lagu khasbay inuu hadlo, hadalladiisa looma adeegsan karo si dacwad kale loogu furo isaga laftiisa.
Damarco Thompson wuxuu u sheegay xeerbeegtida in uu la socday Derrick xilligii ay gaariga ka kireynayeen garoonka diyaaradaha Minneapolis–St. Paul, balse uu mid kasta gaarigiisa ku baxay.
Markii uu su’aalo ka helay xeer-ilaaliye ku-xigeenka degmada Hennepin, James in Derrick uu ahaa kan kali ah ee watay gaariga markii uu ku dhacay Civic-da, Damarco ayaa ku jawaabay “haa”.
Baarayaashu waxay ka heleen gaariga Escalade-ka ee shilka galay bastoolad, kokayn, iyo 2,000 oo kaniini oo fentanyl ah.
Dacwad kale oo dhacday bisha Oktoobar, maxkamad federaali ah ayaa ku heshay Derrick Thompson — wiilka xildhibaan hore oo Dimoqraadi ah, John Thompson — dambi ah in uu fentanyl u haystay ujeeddo suuq-geyn, in uu yahay dambiile hub haystay, iyo inuu ku lug lahaa fal danbiyeed la xiriira ganacsiga daroogada.