25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

DF oo dishay ‘abaanduulihii dagaal-gelinta Shabaab’ iyo saraakiil kale + Magacyada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay liiska saraakiil sare oo Shabaab looga dilay soohdinta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo uu ugu sareeyo Abaanduulihii hoggaaminta weerarrada Al-Shabaab Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule) kaas oo dilkiisu uu aad u farxad geliyey dowladda, sida lagu cadeeyey warar kala duwan oo ka soo baxay.

Nuunuule ayaa hoggaaminayey weerarradii ciidanka dowladda lagu laayey ee ka dhacay Galcad, Cawsweyne, Caad, Ceelahelay iyo Aadan-yabaal oo ugu dambeeyey, ugu dambeyntiina waxaa maalin kahor lagu dhawacay duleedka Ceelhareeri, isagoo maanta ku geeriyooday Ceelbuur.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka dowladda:

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada caalamiga ah. Howlgalkaasi oo Lixdii bishan Juun 2025, ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

Waxaa la xaqiijiyay in ilaa saddex horjooge oo kale lagu dilay howlgalkaas, kuwaas oo kala ah:

1. Nuur Cabdi Rooble (Nuunle) oo ahaa horjoogaha Khawaarijta u qaabilsanaa gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug, iyo Galgaduud. Dhiigya-cabkan ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarka bartilmaameedka ahaa.

2. Horjooge Caddaw  oo masuul ka ahaa waxa ay Khawaarijtu ugu yeeraan “dabagalka” Jabhaddooda ee Galgaduud.

3. Macallin Cumar oo ahaa horjooge u qaabilsanaa kooxda Khawaarijta marin-habaabinta iyo tababarka maleeshiyaadka.

Tirada guud ee horjoogayaasha Khawaarijta ee lagu dilay howlgalkaas ayaa hadda gaartay shan, kuwaas oo dhammaantood si toos ah ugu lug lahaa abaabuladii Khawaarijtu ka wadeen muddooyinkii dambe gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa xaaladda horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka dhaawacmay, kuwaas oo kooxda Khawaarijtu isku dayeyso in ay kala baxsadaan goobaha dagaalka.

Ma jirto meel ay uga baxsan karaan cadaaladda iyo geesiyaasha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, horjoogayaasha dhiig-miiratada ah ee caadeystay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News