Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal kooban oo dhex-maray ciidamo kala taabacsan maamullada dariska ah ee Puntland iyo SSC-Khaatumo, kaas oo xalay ka dhacay gudaha degmada Shaxda ee gobolka Karkaar.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii uu degmadaas tegay wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Cabdinuur, waxaana kadib ciidamo la socday ay isku dhaceen kuwa kale oo taabacsan maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.
Is rasaaseynta ayaa ka dhacday gudaha magaalada, waxaana dadka deegaanka ay soo wariyeen in aanu jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay iska horimaadka.
Cabdifataax Cabdinuur ayaa degmada Shaxda u tegay la kulanka odayaasha dhaqanka, waxaase arrintaas ka dhashay gacan ka hadal, maadaama dagaal kooban uu xalay dhex-maray maamullada Puntland iyo SSC-Khaatumo oo isku hayo gacan ku haynta degmadaasi.
Xaalada ayaa weli aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada maamul oo ku aadan xiisadda kasoo cusboonaata halkaasi.
Dagaalkan waxaa ka horreeyay in dhowaan Puntland ciidamo dheeraad ah ay gaysay goobta, halka kuwa kale oo taabacsan SSC ay iyaguna soo galeen magaaladaasi kuwaas oo ka timid dhinaca Taleex, waxayna taasi keentay inay isku dhacaan labada ciidan.
“Waxaan helnay xog sugan oo muujinaysa in kooxo maleeshiyaad hubeysan oo sheegtay inay kasoo jeedaan deegaanka Taleex ay si dhuumaleysi ah kusoo galeen degmada Shaxda ee Gobolka Karkaar” ayaa lagu yiri qoraal horay uga kasoo baxay maamulka Puntland.
Demmada la’isku hayso ee Shaxda ayaa ku taalla xadka gobolka Sool, waxaana horay u sheegan jirtay Somaliland oo iyana maamusha qaybo kamid ah gobolkaas.
Si kastaba, Puntland iyo SSC ayaa haatan si weyn isku haya, waxaana ka dhex taagan xiisad culus oo sii laba kacleeysay, kadib aqoonsigii ay dowladda dhexe siisay Khaatumo