Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyay saddex kalluumeysato Soomaaliyeed oo muddo 45 maalmood ah ka go’doonsanaa badda, kadibna lix bilood ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya.
Kalluumeysatadan oo dhammaantood ah reer Muqdisho, ayaa sheegay in ay badda ku lumeen xilli ay ku jireen howlo kalluumeysi, kadib markii uu ka cilladoobay matoorkii doontooda.
Cabdullaahi Yuusuf Jaamac, Aweys Cabdi Sheekh iyo Bile Maxamed Mustaf ayaa lagu kala magacaabaa kalluumeysataan laga soo badbaadiyey badda, kadib markii la waayey sideed bilood ka hor.
Iyagoo faraxsan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde oo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ku sugayeen, waxayna la hadleen warbaahinta.
Waxay tilmaameen in ay ku sigteen dhimasho, markii ay ka go’day sahaydii ay wateen, ayna ku qasbanaadeen in ay cunaan kalluun ceeriin ah, isla markaana ay cabaan biyaha badda, si ay u sii noolaadaan.
45 cisho oo doontii ay la sabeyneysay gudaha badda kadib, iyagoo maraya xeebaha Maldives ayaa la badbaadiyay, waxaana loo wareejiyay dalka Liibiya.
Halkaas waxaa uga biloowday xabsi ay ku jireen muddo lix bilood ah, kaas oo ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ay ka soo furatay markii la helay xogtooda.
Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa ku guuleysatay in wiilashaan laga sii daayo xabsiga Liibiya, isla markaana dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.
Kalluumeysatadu waxay sidoo kale sheegeen in safarkooda kalluumeysi uu ka bilowday Muqdisho, xilli baddu aad u kacsanayd, ayna wateen sahay ku filan oo loogu talagalay 10 cisho kaliya, balse ay gudaha badda ku sii jireen 45 cisho oo aysan ku talagelin.
Hoos ka daawo